

Muqdisho, Jimco, 21 Maarso 2025 – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta shir-guddoomiyey kulan deg-deg ah oo looga hadlay amniga caasimadda iyo deegaannada ku xeeran, gaar ahaan howlgallada lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ee ku dhuumaaleysanaya qeybo kamid ah gobollada dalka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa caddeeyey in Xukuumaddiisu ay si go’aan adag u qaadatay in ay u guurto meelaha dagaalka ka socda, si loo ciribtiro kooxaha Khawaarijta ah ee weli ku dhuumaaleysanaya dalka. Wuxuu sheegay in dadka Soomaaliyeed ay hadda haystaan fursad muhiim ah oo ay ku soo afjari karaan kooxahaas, maadama ay ku jiraan marxalad dhammaad ah.

Mudane Xamsa ayaa sidoo kale ku booriyey shacabka Soomaaliyeed inay is-gamciyaan oo ay qeyb ka noqdaan dadaalka lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida dalka, isaga oo amray in la xoojiyo amniga caasimadda Muqdisho.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu bogaadiyey howlgallada socda ee ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanku, kuwaas oo lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ee dhibaatada ku haya shacabka Soomaaliyeed.



#AmnigaSoomaaliya #DagaalkaKhawaarijta #XukuumaddaSoomaaliya