
(Hargeysa) – Warbaahinta Israa’iil ayaa ku warrantay in Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aaden, uu sheegay in haddii Mareykanku aqoonsado Somaliland, ay diyaar u yihiin in ay wax kasta kala hadlaan.

Sida uu baahiyay kanaalka warbaahinta ee KAN ee Israa’iil, Somaliland ayaa isku dayaysa in ay ka faa’iidaysato xaaladda ka taagan Qaza si ay u hesho guulo siyaasadeed oo ay ka kasbato Mareykanka iyo Israa’iil.
Arrintan ayaa kusoo aadeysa xilli Somaliland ay dadaal xooggan ugu jirto inay hesho aqoonsi caalami ah, iyada oo xiriir la sameyneysa dalal kala duwan oo ay ka mid yihiin kuwa reer Galbeedka.
Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland ayaan si rasmi ah u caddeyn mowqifkooda ku aaddan xiriirka tooska ah ee Israa’iil, balse hadalkiisu wuxuu sii kiciyay dood xoogan oo ka dhalatay siyaasadda arrimaha dibedda ee Somaliland.
Waxaa la sugayaa jawaabaha ka imaan doona dowladda Mareykanka iyo saamaynta arrintan ay ku yeelan karto mustaqbalka Somaliland.