
Xaqiijin :Ma jiraan ciyaartoy ka baxsatay xerdada xulka 17 jirada Soomaaliya .
Waa xog aan rasmi ahayn oo been abuur ah. Xulka qaranka Soomaaliya wuxuu u diyaar garoobay ka qeybgalka tartanka Africa ee 17 jirada.
Ciyaartoyda la sheegay inay baxsadeen weli waxay ku jiraan xulka.

Suuqa Kala Iibsiga:
Liverpool ayaa la sheegay inay heshiis la gaartay daafaca bidix ee kooxda Bournemouth, Milos Kerkez, si uu beddel ugu noqdo Andy Robertson.
Khabiirka suuqa kala iibsiga, Fabrizio Romano, ayaa beeniyay wararka la xiriirinaya xiddiga Raphinha inuu ku biirayo Manchester United, isagoo ku adkeystay inaysan jirin wax wadahadal ah oo u socda labada dhinac.
Wararka Kale:
Kylian Mbappé, weeraryahanka kooxda Real Madrid iyo xulka qaranka Faransiiska, ayaa magacaabay labo ciyaaryahan oo uu sheegay inuusan gaari karin heerarkooda, taasoo muujineysa ixtiraamka uu u qabo halyeeyada kubadda cagta.
Daafaca kooxda Real Mallorca, Pablo Maffeo, ayaa weerar afka ah ku qaaday xiddiga Vinícius Júnior ee Real Madrid, isagoo ku tilmaamay “ilma iska ooya”, taasoo muujineysa xiisadda ka dhex jirta ciyaartoyda qaarkood.
Marc Cucurella, difaaca bidix ee Chelsea, ayaa cadeeyay inuu doonayo inuu sii joogo kooxda, isagoo beeniyay wararka la xiriirinaya inuu ku laabanayo FC Barcelona.
