
Muqdisho – 21 Maarso 2025 – Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si diirran u soo dhoweysay guusha ay gaadheen Ciidamada Millateriga Suudaan, kuwaas oo dib ula wareegay xarumihii dowladda ee caasimadda Khartuum, kana saaray maleeshiyaadka RSF ee uu taageero Imaaraadka Carabta.
Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya ayaa bayaan rasmi ah ku caddeysay in ay taageersan tahay midnimada iyo wadajirka shacabka Suudaan, iyada oo bogaadisay naf-hurnimada iyo dadaalka ay muujiyeen ciidamada qaranka ee dalkaasi.
“Soomaaliya waxay la dhacsan tahay naf-hurnimada walaalaha Suudaan—shacabka iyo ciidanka. Waxaan si adag u taageereynaa midnimada, wadajirka iyo dadaalka aad ugu jirtaan xasilloonida qaranka, horumarka iyo barwaaqada,” ayaa lagu yiri bayaanka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya.
Bayaan rasmi ah oo kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu xusay in Soomaaliya ay si buuxda u garab taagan tahay midnimada dhuleed iyo madaxbannaanida Suudaan, iyada oo xustay in taageerada ay siineyso hay’adaha sharciga ah ee dalkaasi ay qayb ka tahay xasilloonida, nabadda iyo horumarka mustaqbalka Suudaan.
Sidoo kale, dowladda Soomaaliya ayaa bogaadisay naf-hurnimada shacabka iyo ciidamada Suudaan, waxayna rajaynaysaa in guushaan ay u horseedi doonto nabad waarta, dib u heshiisiin qaran, iyo xasilooni siyaasadeed.
Wasaaradda Arrimaha Dibedda ayaa ugu dambeyn, iyadoo ka faa’iideysanaysa fadliga tobanka dambe ee bisha Ramadan, u duceysay Suudaan, si Allah u siiyo amni iyo barwaaqo, kana dhigo mid horumar iyo xasilooni ku tallaabsata.