
Ururka Noyb ee u dooda arrimaha xogta gaarka ah ayaa dacwad ka gudbiyey OpenAI, iyagoo ku eedeeyay inay jebisay xeerarka ilaalinta xogta ee Midowga Yurub (GDPR). Dacwadda waxaa laga gudbiyey ChatGPT, kadib markii chatbot-ka uu si khaldan ugu sheegay in Arve Hjalmar Holmen, oo ah nin u dhashay Norway, uu dilay laba wiil oo uu dhalay, isla markaana isku dayay inuu dilo mid kale.
Holmen wuxuu sheegay inuu si kadis ah u helay eedayntan been abuurka ah markuu isku dayay inuu ChatGPT ka weydiiyo xogtiisa. ChatGPT wuxuu isku qasay macluumaad sax ah—sida magaciisa, meesha uu ku nool yahay, iyo carruurtiisa—iyo been abuur halis ah oo lagu sheegay inuu galay danbi aan jirin.
Noyb waxay sheegtay in OpenAI ay jebisay qodobka 5(1)(d) ee GDPR, kaasoo dhigaya in xogta shakhsiga ay tahay inay saxnaato oo la hubiyo inaysan khalad ahayn. Dacwaddooda waxay dalbaneysaa in OpenAI:
1. Tirtirto macluumaadka been abuurka ah ee ChatGPT uu sameeyay.
2. Wax ka beddesho habka AI-gu u shaqeeyo si looga fogaado khaladaad noocan ah.
3. La saaro ganaax si ay u noqoto digniin mustaqbalka ah.
Kiiskan wuxuu sare u qaaday walaaca laga qabo khaladaadka ChatGPT, oo mararka qaar abuura macluumaad aan jirin (“hallucination”). Inkastoo OpenAI ay horey u sheegtay in AI-gu qaldami karo, haddana khaladaadka noocan oo kale ah waxay dhaawac weyn gaarsiin karaan sumcadda qofka.
OpenAI wali kama aysan hadlin kiiskan, balse haddii ay dacwaddan lumiyaan, waxay horseedi kartaa sharciyo adag oo lagu xakameynayo sida AI-du u shaqeyso.