
Adiss Ababa – Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Mudane Abiy Axmed, ayaa maanta si rasmi ah u caddeeyay in dowladdiisu aysan qorsheynaynin wax duullaan ah oo lagu qaado Eritrea si loo gaaro badda Cas. Wuxuu xusay in Itoobiya ay u marayso hannaan nabadeed, isla markaana aysan jirin wax qorshe ah oo lagu doonayo in dagaal lagula wareego marin badeed, ha noqoto mid ka tirsan Eritrea ama Soomaaliya.
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu ka hadlay xaaladda gobolka Tigray, isagoo carrabka ku adkeeyay in dowladdu ay ka go’an tahay xallinta khilaafaadka iyada oo la raacayo waddo nabadeed. Wuxuu xaqiijiyay in aan dagaal dambe lagu qaadi doonin gobolka, laguna dhaqangelin doono heshiiskii Pretoria, si maamul rasmi ah loogu dhiso Tigray.
Hadalka Ra’iisul Wasaaraha ayaa kusoo beegmaya xilli ay jiraan hadal-heyn xoogan oo la xiriirta qorshaha Itoobiya ee ku aaddan marin badeed, taasoo xiisado siyaasadeed ka dhex dhalisay gobolka.
#Ethiopia #AbiyAhmed #Tigray #Eritrea #RedSea