Qaar ka mid ah dadka ku nool Magaalooyinka dalka oo ay maanta u tahay maalinta koowaad ee Ciidul fidriga

Iyadoo maalintii shalay aheyd laga ciiday inta badan dunida Islaamka ah iyo deegaanada  Soomaalida intooda badan ayaa hadana maanta waxaa jira dad Soomaali ah oo ay u tahay maalinta koowaad ee Ciida Soonfureed.

Dad badan oo ku kala magaalooyinka ay ka mid yihiin Muqdisho, Baledweyne, Guriceel,  Gaalkacyo, Caabdiwaaq iyo Garoowe ayay maanta u tahay  maalinta koowaad ee ciidul fidriga.


Magaalooyinka aan kor kusoo xusnay ayaa dhamaantood saakay si weyn looga oogay Salaadii Ciida, waxaana qaar ka mid ah Masaajidda magaaloyinkaas saaka laga maqlay dhawaaqa takbiirta.

Dhanka magaalada Muqdisho, waxaa Salaada Ciida saakay boqolaal dadweyne ah la Tukaday gudoomiyaha Xisbiga Towfiiq Sheekh Maxamed Shaakir iyo xertiisa Ahlu Sunna oo wehlinayeen masuuliyiin hore oo ka tirsanaa maamulka Galmudug oo ay u aheyd maalintii koowaad ee Ciidul Fitriga.

Magaalada Garoowe waxaa sidoo kale saakay wadooyinkeeda socod ku maray Culimada xerta magaaladaas oo iyagana maanta u aheyd maalinta koowaad ee Ciida, kuwaas dariiqyada ku maray Nabi Ammaan.

Ugu dambeyntii Soomaaliya ayaa ka mid ah dalalka sida joogtada ah leys kugu khilaafo dhalashada bilaha Soonka, Soon furka iyo tan Ciida Carafo, waxaana taasi ay keenta in dadku kala Ciidaan laba maalin.

  • Mowlaawi

    Founder of Kaarabiin News Network

    Related Posts

    Madaxweyne Xasan Sheikh oo Ka Qeyb Galay Madasha Diblomaasiyadda Antalya

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah uga qeyb galay furitaanka Madasha Diblomaasiyadda Antalya ee ka dhacaysa dalka Turkiga, isagoo matalaya Dowladda Federaalka Soomaaliya.…

    Raysal wasaare Xamsa oo gaaray Laascaanood

    Raysal wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow ka degay magaalada Laascaanood. Wafdi kasii horreeyay raysal wasaaraha iyo madaxda maamulka Khaatumo ayaa raysal…

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Faalooyin

    The Art of Mindful Eating

    The Art of Mindful Eating

    Mind-Body Connection for Meditation

    Mind-Body Connection for Meditation

    Space tourism soars into the forefront of exploration

    Space tourism soars into the forefront of exploration

    AI in Healthcare: Game-Changer or Ethical Dilemma?

    AI in Healthcare: Game-Changer or Ethical Dilemma?

    Sleep Study Unveils New Insights

    Sleep Study Unveils New Insights