
Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee Koonfurta Suudaan, Riek Machar, ayaa la sheegay in la xiray arbacadii, kadib markii ciidamada ammaanka ay galeen gurigiisa ku yaalla Juba oo ay u soo bandhigeen warqad xiritaan ah (waaran). Ilaa iyo hadda, xisbigiisa SPLM-IO (Sudan People’s Liberation Movement-in-Opposition) ma garanayo halka lagu hayo.
Xadhiga Machar ayaa abuuray walaac weyn oo ku aaddan xasilloonida heshiiskii nabadeed ee 2018, kaas oo lagu soo afjaray dagaalkii sokeeye ee muddada dheer socday. Xisbiga SPLM-IO wuxuu cambaareeyay xarigiisa, isagoo ku tilmaamay mid baal marsan dastuurka iyo heshiiskii nabadda. Waxaa kale oo la xiray saraakiil kale oo sarsare, sida Wasiirka Batroolka Puot Kang Chol, taasoo cirka kusii shareertay xiisadda siyaasadeed.
Qaramada Midoobay, gaar ahaan UNMISS (United Nations Mission in South Sudan), ayaa muujisay walaac xooggan. Madaxa UNMISS, Nicholas Haysom, wuxuu ka digay in waddanku dib ugu laaban karo dagaal haddii xiisadda siyaasadeed aan si nabad ah loo xallin. Ururrada gobolka iyo kuwa caalamiga ah, sida East African Community (EAC), ayaa ugu baaqay dowladda Koonfurta Suudaan inay sii deyso dhammaan mas’uuliyiinta la xiray oo ay ilaaliso heshiiska nabadeed.
Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaallo cusub ay qarxaan. Bulshada caalamka ayaa si dhow ula socota xaalada, iyagoo ku baaqaya in wadahadal iyo nabad lagu xalliyo khilaafka taagan.