Madaxweynaha Hirshabeelle oo ka hadlay weerarkii Shalay ee lagu dilay askar ka tirsaneyd ciidanka Xooga dalka

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa si adag u cambaareeyay weerarkii argagaxa lahaa ee Shalay lagu dilay askar ka tirsaneyd ciidanka xoogga dalka ee ka dhacay aaga deegaanka Ceel baraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Madaxweyne Cali Guudlaawe oo ugu horeyn ka tacsiyadeeyay geerida askarta sida arxan darada ahaa loo dilay, isagoona amray ciidamada amaanka maamulka Hirshabeelle in 24 saac gudahood sharciga ku horkeenaan ragii ka dambeeyay weerarkaas.

“Waa fal ka fog Shareecada Islaamka, dhaqanka suubban ee Soomaaliyeed iyo Xuquuqda Aadanaha. waxaan farayaa laamaha amniga 24-saac gudahood in sharciga la horkeeno cid walba oo ku lug yeelato dhacdadii aragagaxa laheyd ee ka dhacday deegaan ku dhow degmada Ceelbaraf” ayuu lagu yiri qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Hirshabeelle.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa ugu baaqay shacabka Hirshabeelle iney ka fogaadaan dhacdo kasto oo wax u dhimayso amniga iyo wadajirka bulshada ku nool deegaanada Hirshabeelle.

Warkaan kasoo baxay madaxtooyada Hirshabeelle ayaa kusoo aadaya, iyadoo wali Taliska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed uusan ka hadlin falka Shalay lagu laayay askar ka tirsaneyd ciidanka xoogga dalka ee la dilay, iyagoo kusii jeeday guryahooda, si ay farxad ula soo qaataan qoysaskooda oo waqti dheer ay ka maqnayeen si fasaxooda uga faa’ideystaan.

  • Mowlaawi

    Founder of Kaarabiin News Network

    Related Posts

    Madaxweyne Xasan Sheikh oo Ka Qeyb Galay Madasha Diblomaasiyadda Antalya

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah uga qeyb galay furitaanka Madasha Diblomaasiyadda Antalya ee ka dhacaysa dalka Turkiga, isagoo matalaya Dowladda Federaalka Soomaaliya.…

    Raysal wasaare Xamsa oo gaaray Laascaanood

    Raysal wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow ka degay magaalada Laascaanood. Wafdi kasii horreeyay raysal wasaaraha iyo madaxda maamulka Khaatumo ayaa raysal…

    Faalooyin

    The Art of Mindful Eating

    The Art of Mindful Eating

    Mind-Body Connection for Meditation

    Mind-Body Connection for Meditation

    Space tourism soars into the forefront of exploration

    Space tourism soars into the forefront of exploration

    AI in Healthcare: Game-Changer or Ethical Dilemma?

    AI in Healthcare: Game-Changer or Ethical Dilemma?

    Sleep Study Unveils New Insights

    Sleep Study Unveils New Insights