
Maarso 23, 2025 (Kaarabiin) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Maxamed Axmed Amiir, ayaa kulan la yeeshay maamulka degmooyinka G.Banaadir, isaga oo si kulul u dhaliilay qaabka ay u gudanayaan waajibaadkooda.
Guddoomiye Amiir ayaa sheegay in guddoomiyaha aan awoodin inuu si hufan u guto shaqadiisa uu xilka dib ugu celiyo maamulka magacaabay, si loogu helo qof xilkaas si wanaagsan u maamuli kara. Wuxuu si cad u sheegay in maamul degmo uusan ku salaysnaan karin qabiil, isla markaana aan la aqbali karin nidaamka lagu qeybsado jagooyinka qabyaaladda ku dhisan.
Sidoo kale, wuxuu faray guddoomiyeyaasha degmooyinka inay xil iska saaraan danaha shacabka, kana fogaadaan waxyeellada lagu hayo muwaadiniinta. Guddoomiyaha ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in degmooyinka si dhow ula socdaan dadka ku cusub si looga hortago in kooxaha argagixisada ay magaalada kusoo dhuuntaan, iyada oo lagu dadaalayo adkeynta ammaanka caasimadda.