Enzo Fernandez oo Ku Faanay Inuu Isaga Ka Dambeeyay Saxiixa Xiddiga 100 Milyan Ka Badan ugu Fadhiya Chelsea

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Chelsea, Enzo Fernandez, ayaa sheegay inay sharaf u tahay inuu ka garab ciyaaro saaxiibkiis Moises Caicedo.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Argentina ayaa sheegay inuu shaqsi ahaantiisa ku adkeystay in Chelsea ay la soo wareegto ciyaaryahanka reer Ecuador.

Fernandez ayaa ku tilmaamay 23-sano jirkaan inuu yahay ciyaaryahan aan caadi aheyn oo xitaa bini’aadanimo wanaagsan leh.

Caicedo ayaa Blues ugu soo biiray xagaagii 2023 kooxda ka dhisan  Premier League ee Brighton lacag dhan 115 milyan oo gini.

Ciyaaryahanka Koonfurta Ameerika wuxuu hadda noqday qayb muhiim ah oo ka mid ah mashruuca Chelsea ee Stamford Bridge

Caicedo ayaa 55 kulan kaga garab ciyaaray khadka dhaxe ee Chelaea Fernandez tartamada oo dhan.

Ku guuleystaha Koobka Adduunka ayaa u sheegay Sky Sports, “In garoonka lala wadaago Moi in ay tahay wax cajiib ah. Wax badan ayaan ku adkaystay inuu Chelsea yimaado markii ay kooxdu dooneysay saxiixiisa.

“Isagu waa shaqsi weyn sidoo kale wax badan ayuu nagu soo kordhiyay koox ahaan. Maalin walba wuxuu u shaqeeyaa si isku mid ah.

  • Mowlaawi

    Founder of Kaarabiin News Network

    Related Posts

    Somalia earns first World Cup qualifier point with 0-0 draw against Guinea

    Mogadishu (Kaarabiin.net)  —Somalia earned their first point of the 2026 FIFA World Cup qualifiers on Friday with a disciplined defensive performance in a goalless draw against Guinea at the Stade…

    Halyeygii Feerka Ee George Foreman Ayaa Geeriyooday Isagoo 76 Jir Ah

    Feeryahan George Foreman, oo caan ku ahaa soo laabashadiisa cajiibka ah ee ciyaaraha, kaasoo dib u helay horyaalka feerka miisaanka culus isagoo 45 jir ah, ayaa geeriyooday isagoo 76 jir…

    Faalooyin

    The Art of Mindful Eating

    The Art of Mindful Eating

    Mind-Body Connection for Meditation

    Mind-Body Connection for Meditation

    Space tourism soars into the forefront of exploration

    Space tourism soars into the forefront of exploration

    AI in Healthcare: Game-Changer or Ethical Dilemma?

    AI in Healthcare: Game-Changer or Ethical Dilemma?

    Sleep Study Unveils New Insights

    Sleep Study Unveils New Insights