
Wararka ka imaanaya degmada Mahadaay ayaa sheegay in Ciidamada deegaanka ee degmadaas ay howlgallo qorsheysan ka fuliyay deegaanka Cabdulle-Barbaar oo ku dhow agagaarka Ciid Ciidka.
Ciidamada deegaanka ayaa hawlgalka ku dilay toddobo xubnood oo ka tirsan Al-shabaab, sidoo kalena soo furtay hub, gaadiid iyo agab kale; sida lagu qoray warbaahita ciidanka.
Sidoo kale, ciidamada dowladda iyo deegaanka ayaa sii laba jibaaray hawlgallada ay ka wadaan deegaannada hoos yimaada Mahadaay, iyadoo la beegsanayo goobaha ay AS kaga sugan yihiin gobalka shabeellaha dhexe.
Dowladda Soomaaliya ayaa muddooyinkii u dambeeyay sii laba jibaartay hawlgallada iyo dagaalka ka dhan ah AS, iyadoo kaa shaneysa ciidamada deegaanka, gaar ahaan hawlgallada ka socda gobalka shabeellaha dhexe iyo Hiiraan.