
Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa sheegay in xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya uu yahay mid wanaagsan oo sal adag leh.
“Waxaan leenahay xiriir aad u wanaagsan oo naga dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya. Labada dhinacba waxay u arkaan in doorka Turkigu yahay mid wanaagsan,” ayuu yiri Cali Balcad.
Wasiiru dowlaha oo ka hadlayay shirka arrimaha diblumaasiyadda ee Antalya ee ka socda dalka Turkiga ayaa yiri,” Soomaaliya xasilloon waxay faa’iido u tahay Itoobiya, Itoobiya xasilloonna waxay faa’iido u tahay Soomaaliya. Labaduba waa kuwo wanaagsan oo u roon gobolka iyo dadkeennaba.”
Hadalkan ayaa imaanaya xilli iskaashiga diblomaasiyadeed iyo kan amni ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya uu dhawaan caadi kusoo laabtay, kaddib markii labada dal ay ka heshiiyeen xiisaddii ka dhalatay markii Itoobiya ay heshiis dhinaca badda la gashay Somaliland.
Dhawaan, Soomaaliya ayaa oggolaatay in Itoobiya ay 2,500 askari ku yeelato howlgalka xasilinta Soomaaliya ee Midowga Afrika (AUSSOM).