Wafdigii u horreyay oo ka socda Mareykanka ayaa gaaray Kabul

Wafdigii u horreyay oo ka socda Mareykanka ayaa gaaray Kabul , si ay wada-hadallo ula yeeshaan saraakiisha dawladda Afgaanistaan, iyadoo uu qaabbilay wasiirka arrimaha dibadda Afgaanistaan, Amir Khan Muttaqi, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP.

Kulanka saraakiisha Mareykanka oo uu hoggaaminayay ergayga Trump ee arrimaha maxaabiista , ayaa la sheegay in looga hadlay arrimaha la xiriira maxaabiista, xilli Taalibaan ay sii deysay illaa afar maxbuus oo Mareykan ah tan iyo bishii Jannaayo ee sannadkan. Waxaa u dambeeyay sii deynta George Glezmann oo ah muwaadin Mareykan ah oo ku xirnaa Afgaanistaan tan iyo sannadkii 2022 oo la xaqiijiyay in maanta la sii daayay, kaddib wada xaajood ay dhex dhexaadisay dawladda Qatar.

Afgaanistaan iyo Maraykanku “waa in ay ka soo baxaan saameyntii 20-kii sano ee dagaalka, ayna yeeshaan xiriir siyaasadeed iyo mid dhaqaale”, ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Afgaanistaan, Amir Khan Muttaqi, markii uu soo dhammaaday kulanka.

  • Mowlaawi

    Founder of Kaarabiin News Network

    Related Posts

    Madaxweyne Xasan Sheikh oo Ka Qeyb Galay Madasha Diblomaasiyadda Antalya

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah uga qeyb galay furitaanka Madasha Diblomaasiyadda Antalya ee ka dhacaysa dalka Turkiga, isagoo matalaya Dowladda Federaalka Soomaaliya.…

    Raysal wasaare Xamsa oo gaaray Laascaanood

    Raysal wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow ka degay magaalada Laascaanood. Wafdi kasii horreeyay raysal wasaaraha iyo madaxda maamulka Khaatumo ayaa raysal…

    Faalooyin

    The Art of Mindful Eating

    The Art of Mindful Eating

    Mind-Body Connection for Meditation

    Mind-Body Connection for Meditation

    Space tourism soars into the forefront of exploration

    Space tourism soars into the forefront of exploration

    AI in Healthcare: Game-Changer or Ethical Dilemma?

    AI in Healthcare: Game-Changer or Ethical Dilemma?

    Sleep Study Unveils New Insights

    Sleep Study Unveils New Insights