Soomaaliya oo heshiis deyn cafin gaaraya $306.5 milyan la saxiixatay Sanduuqa Lacagta Carabta

Dowladda Soomaaliya ayaa heshiis deyn cafin ah la saxiixatay Sanduuqa Lacagta Carabta, kaas oo muddo sadex sano kabadan uu wada xaajoodkiisa soo socday, sida ay sheegtay Wasaarada Maaliyada Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya oo ka qeyb galayay Shirka sanadlaha ah ee Hey’adaha Maaliyadda Dalalka Carabta kaasoo ka dhacayay Magaalada Kuwait  ayaa saxiixay heshiis kaan taariikhi ah.


“Heshiiskan  deyn cafinta ah oo ay wada saxiixdeen Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaal ka Soomaaliya iyo Agaasimaha Guud ee Sanduuqa Lacagta Carabta Fuad M. Al-Turki ayaa gaaraya $306.5 Milyan oo dollar, taas oo cuuryaamisay helidda mashaariicda maalgalineed ee Dowladda Soomaaliya ay u baahneyd” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Wasaarada Maaliyada.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa sheegay in heshiiskani uu muhiim u yahay dib u dhiska dhaqaalaha dalka iyo dadaallada lagu dhameystirayo arrimaha deyn cafinta oo Dowladda Soomaaliya ay dadaal xoogan galisay.

Sidoo kale Wasiirku waxa uu tilmaamay in heshiiskani uu suuro galinayo in Dowladda Soomaaliya iyo Sanduuqa Lacagta Carabta ay si rasmi ah usoo ceshadaan wadashaqayntii taas oo hakad galisay dhammaan kaalmooyinka ay Dawladda Soomaaliya ka heli lahayd Sanduuqan.

Waxaa xusid mudan in Sanduuqa Lacagta Carabta oo xaruntiisu tahay caasimadda Imaaraadka ee Abu Dhabi, ay ku jiraan 22 waddan oo Carbeed, wuxuuna siiya deymo, taageero farsamo, iyo la-talin dhaqaale waddamada xubnaha ka ah.

Sanadihii dambe waxa ay dowladda Soomaaliya ay dadaal ku bixineysay sidii deeymaha la degay dhaqaalaha dalka looga cafin lahaa, iyadoo dooneysa in ay soo jiidato indhaha caalamka si ay Soomaaliya maalgashi xoogan ugu sameysan lahaayeen.

  • Mowlaawi

    Founder of Kaarabiin News Network

    Related Posts

    Madaxweyne Xasan Sheikh oo Ka Qeyb Galay Madasha Diblomaasiyadda Antalya

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah uga qeyb galay furitaanka Madasha Diblomaasiyadda Antalya ee ka dhacaysa dalka Turkiga, isagoo matalaya Dowladda Federaalka Soomaaliya.…

    Raysal wasaare Xamsa oo gaaray Laascaanood

    Raysal wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow ka degay magaalada Laascaanood. Wafdi kasii horreeyay raysal wasaaraha iyo madaxda maamulka Khaatumo ayaa raysal…

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Faalooyin

    The Art of Mindful Eating

    The Art of Mindful Eating

    Mind-Body Connection for Meditation

    Mind-Body Connection for Meditation

    Space tourism soars into the forefront of exploration

    Space tourism soars into the forefront of exploration

    AI in Healthcare: Game-Changer or Ethical Dilemma?

    AI in Healthcare: Game-Changer or Ethical Dilemma?

    Sleep Study Unveils New Insights

    Sleep Study Unveils New Insights