Somaliland iyo Itoobiya oo Isku Afgartay Sidii Loo Xallin Lahaa Colaadda Dacawaley

Xukuumadda Somaliland iyo Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa is afgarad buuxa ka gaadhay sidii xal loogu heli lahaa colaadda ka taagan degaanka Dacawaley ee Dowlad-Deegaanka Soomaalida.

Is afgaradkan ayaa lagu gaadhay kulan ay Jigjiga ku yeesheen madaxda amniga Somaliland oo uu hoggaaminayay Wasiirka Amniga Cabdalle Sandheere, iyo saraakiil sar-sare oo ka tirsan Ciidanka Dowladda Federaalka Itoobiya, oo uu hoggaaminayey Taliyaha Aagga Bari ee Ciidamada Itoobiya Jeneral Afgado iyo madax kale oo ka tirsan Dawladda Degaanka.

“Labada dhinac ayaa si qotodheer uga wada hadlay xaaladda degaanka Dacawalay iyo degaannada kale ee ku xeeran. Waxay labada dhinac ka gaadheen isfahan buuxa oo ku saabsan xaaladda Dacawalay, iyadoo la isla qaatay in la joojiyo dhiigga daadanaya, xaaladdana lagu dhameeyo xal nabadgalyo ah oo salmi ah si aan wax dambe u dhicin,” ayaa lagu yidhi qoraal kasoo baxay Wasaaradda Amniga Somaliland.

Wararka ayaa sheegaya in lagu heshiiyey in ciidanka federaalku uu la wareego amniga Dacawaley, in ciidanka Liyuu Booliska laga fogeeyo degaanka, in baadhis lagu sameeyo tacadiyada ay Liyuu Boolisku ka geysteen degaanka, iyo in xal buuxa laga gaadho muranka dhulka ee u dhexeeya dadka degaanka, kaasoo sababay colaadan oo ay dad badan ku dhinteen.

Ciidamada Liyuu Booliska ayaa weerar ay ku qaadeen degaanka subaxnimadii 25 December ku dilay dad badan oo rayid ah, iyaga oo dab qabadsiiyey qaybo kamid ah guryaha shacabka. Sidoo kale waxay qafaasheen odayaal Hargeysa ka tagay oo degaanka u joogay nabadeyn iyo baabuurtoodii.

Xukuumadda Somaliland ayaa falka ay geysteen Ciidamada Liyuu Booliska ku tilmaantay ‘xasuuq,’ iyadoo ku baaqday in tallaabo laga qaado cid kasta oo ku lug lahayd dhacdadan. Somaliland ayaa soo fara-gelisay colaadda Dacawaley, maadaama degaanka ay ku nool yihiin shacabka ka soo jeeda Somaliland iyo Itoobiya labadaba.

  • Mowlaawi

    Founder of Kaarabiin News Network

    Related Posts

    Madaxweyne Xasan Sheikh oo Ka Qeyb Galay Madasha Diblomaasiyadda Antalya

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah uga qeyb galay furitaanka Madasha Diblomaasiyadda Antalya ee ka dhacaysa dalka Turkiga, isagoo matalaya Dowladda Federaalka Soomaaliya.…

    Raysal wasaare Xamsa oo gaaray Laascaanood

    Raysal wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow ka degay magaalada Laascaanood. Wafdi kasii horreeyay raysal wasaaraha iyo madaxda maamulka Khaatumo ayaa raysal…

    Faalooyin

    The Art of Mindful Eating

    The Art of Mindful Eating

    Mind-Body Connection for Meditation

    Mind-Body Connection for Meditation

    Space tourism soars into the forefront of exploration

    Space tourism soars into the forefront of exploration

    AI in Healthcare: Game-Changer or Ethical Dilemma?

    AI in Healthcare: Game-Changer or Ethical Dilemma?

    Sleep Study Unveils New Insights

    Sleep Study Unveils New Insights