Sheekh Maxamed Shaakir Oo Muqdisho Ka Dhawaaqay Urur Siyaasadeed Cusub

Muqdisho (Wararka)— Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, oo hore u soo noqday Madaxii Xukuumadda Galmudug isla markaana ka mid ah hoggaamiyaasha Ahlu Sunna Waljamaaca, ayaa maanta magaalada Muqdisho kaga dhawaaqay urur siyaasadeed cusub oo la magac baxay Urur Siyaasadeedka Dib-u-heshiisiinta iyo Horumarka ee TOWFIIQ.



Ururkan cusub ayaa noqday mid kamid ah xisbiyada iyo ururrada siyaasadeed ee dalka ka jira, kuwaas oo ku baratami doona doorashooyinka soo socda. Ahlu Sunna Waljamaaca oo door muuqda ku lahayd siyaasadda Galmudug iyo guud ahaan dalka, ayaa hadda si rasmi ah uga mid noqonaysa nidaamka xisbiyada badan ee Soomaaliya.

Sheekh Maxamed Shaakir ayaa ka hadlay muhiimada ururkan, isagoo xusay in TOWFIIQ uu diiradda saari doono dib-u-heshiisiinta, horumarka, iyo midnimada shacabka, si loo helo xasillooni siyaasadeed iyo horumar ballaaran.



Ururkan ayaa kusoo aadaya xilli ay Soomaaliya isu diyaarineyso tartanka xisbiyada badan, iyadoo siyaasiyiinta iyo kooxaha kala duwan ay dadaal ugu jiraan in ay saameyn ku yeeshaan doorashooyinka dalka.

Waxaa la filayaa in maalmaha soo socda uu ururkan faahfaahin dheeraad ah ka bixiyo ajendayaashiisa siyaasadeed iyo qorshayaashiisa mustaqbalka.

  • Mowlaawi

    Founder of Kaarabiin News Network

    Related Posts

    Madaxweyne Xasan Sheikh oo Ka Qeyb Galay Madasha Diblomaasiyadda Antalya

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah uga qeyb galay furitaanka Madasha Diblomaasiyadda Antalya ee ka dhacaysa dalka Turkiga, isagoo matalaya Dowladda Federaalka Soomaaliya.…

    Raysal wasaare Xamsa oo gaaray Laascaanood

    Raysal wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow ka degay magaalada Laascaanood. Wafdi kasii horreeyay raysal wasaaraha iyo madaxda maamulka Khaatumo ayaa raysal…

    Faalooyin

    The Art of Mindful Eating

    The Art of Mindful Eating

    Mind-Body Connection for Meditation

    • By Mowlaawi
    • January 27, 2024
    • 107 views
    Mind-Body Connection for Meditation

    Space tourism soars into the forefront of exploration

    Space tourism soars into the forefront of exploration

    AI in Healthcare: Game-Changer or Ethical Dilemma?

    AI in Healthcare: Game-Changer or Ethical Dilemma?