Raysal wasaare Xamsa oo gaaray Laascaanood

Raysal wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow ka degay magaalada Laascaanood.

Wafdi kasii horreeyay raysal wasaaraha iyo madaxda maamulka Khaatumo ayaa raysal wasaaraha soo dhoweeyay.

Sida uu sheegay afhayeenka xukuumadda Soomaaliya, Farxaan Maxamed Jimcaale, booqashada raysalwsaaraha ayaa ku salaysnaan doonta arrimaha amniga, dhaqaalaha, adeegyada bulshada iyo u-kuur-gelidda xaaladda dhabta ah ee ay ku nool yihiin dadka ku dhaqan SSC-Khaatumo.

Raysalwsaaraha ayaa lagu wadaa in uu la kulmo masuuliyiinta SSC-Khaatumo iyo qaybaha kala duwan ee bulshada oo uu kala hadli doono iskaashiga iyo bulshada iyo arrimaha nabadda, sida uu baahiyay xafiiskiisu.

  • Mowlaawi

    Founder of Kaarabiin News Network

    Related Posts

    Madaxweyne Xasan Sheikh oo Ka Qeyb Galay Madasha Diblomaasiyadda Antalya

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah uga qeyb galay furitaanka Madasha Diblomaasiyadda Antalya ee ka dhacaysa dalka Turkiga, isagoo matalaya Dowladda Federaalka Soomaaliya.…

    Cali Balcad: Xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya waa mid wanaagsan oo sal adag leh

    Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa sheegay in xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya uu yahay mid wanaagsan oo…

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Faalooyin

    The Art of Mindful Eating

    The Art of Mindful Eating

    Mind-Body Connection for Meditation

    Mind-Body Connection for Meditation

    Space tourism soars into the forefront of exploration

    Space tourism soars into the forefront of exploration

    AI in Healthcare: Game-Changer or Ethical Dilemma?

    AI in Healthcare: Game-Changer or Ethical Dilemma?

    Sleep Study Unveils New Insights

    Sleep Study Unveils New Insights