Madaxweynaha Soomaaliya oo Dib ugu Laabtay Furimaha Dagaalka

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta dib ugu laabtay furimaha dagaalka kadib markii uu shalay Muqdisho kula kulmay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Imaaraatka Carabta. Madaxweynaha ayaa gaaray degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha Dhexe, oo ah deegaan xeebeed muhiim ah oo ku dhow furimaha dagaalka ay dowladda kula jirto kooxda Al-Shabaab.

Safarka Madaxweynaha waxaa fududeeyey mid ka mid ah diyaaradaha ay dhawaan heshay Soomaaliya, taasoo qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo awoodda ciidan ee dalka. Waxaa la filayaa in Madaxweynaha uu halkaas ka sii wado abaabulka iyo dhiirrigelinta ciidanka si loo xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey u booqday deegaano muhiim ah sida Xarardheere iyo Ceeldheer bishii Abriil 2024, si uu u dardargeliyo howlgallada dib u xoreynta dalka iyo inuu dhiirrigeliyo Ciidamada Qalabka Sida iyo halyeeyada difaaca shacabka ee la dagaallamaya Khawaarijta.

Sidoo kale, bishii Sebtembar 2023, Madaxweynaha ayaa booqday degmada Aadan-Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo uu kormeer ku sameeyey xeryaha ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee ku howlan dib u xoreynta dalka.

Dadaalladan isdaba joogga ah ee Madaxweynaha ayaa muujinaya sida ay uga go’an tahay xoreynta dalka iyo xasilinta deegaannada laga saaray kooxda Al-Shabaab.

  • Mowlaawi

    Founder of Kaarabiin News Network

    Related Posts

    Madaxweyne Xasan Sheikh oo Ka Qeyb Galay Madasha Diblomaasiyadda Antalya

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah uga qeyb galay furitaanka Madasha Diblomaasiyadda Antalya ee ka dhacaysa dalka Turkiga, isagoo matalaya Dowladda Federaalka Soomaaliya.…

    Raysal wasaare Xamsa oo gaaray Laascaanood

    Raysal wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow ka degay magaalada Laascaanood. Wafdi kasii horreeyay raysal wasaaraha iyo madaxda maamulka Khaatumo ayaa raysal…

    Faalooyin

    The Art of Mindful Eating

    The Art of Mindful Eating

    Mind-Body Connection for Meditation

    Mind-Body Connection for Meditation

    Space tourism soars into the forefront of exploration

    Space tourism soars into the forefront of exploration

    AI in Healthcare: Game-Changer or Ethical Dilemma?

    AI in Healthcare: Game-Changer or Ethical Dilemma?

    Sleep Study Unveils New Insights

    Sleep Study Unveils New Insights