
Madaxweynaha Burkina Faso, Ibrahim Traoré, ayaa qaaday tallaabo dhiirrigelin ah oo lagu horumarinayo dhalinyarada dalka. Wuxuu amray in dhammaan ardayda jaamacadaha dhigata la siiyo $160 bil kasta ilaa ay ka qalin jabinayaan, isla markaana dowladdu ay shaqo siin doonto marka ay dhammaystaan waxbarashadooda. Tallaabadan ayaa dhalinyarada siisay dhiirigelin, iyagoo dareemay in dowladda ay dhab ka tahay horumarkooda iyo mustaqbalkooda.
Traoré wuxuu kaloo qaaday tallaabo geesinimo leh oo uu dalkiisa kaga xoreeyay saamaynta Faransiiska, kaasoo kheyraadka Burkina Faso si aan xad lahayn u boobayay. Wuxuu diiradda saaray horumarinta wax soo saarka gudaha, taasoo keentay in dadku dareemaan inay dal leeyihiin iyo hoggaan dhab ah. Wuxuu ka badbaaday in ka badan labaatan shirqool oo lagu khaarijin lahaa, maadaama uu hor istaagay damaca reer galbeedka ee doonayay inay sii haystaan. hantida dabiiciga ah ee wadanka.
Markii waddamada Carabta ay usoo bandhigeen balaayiin doolar oo lagu dhisayo masaajido, wuxuu si cad ugu jawaabay: “Masaajiddo waan qabnaa, waxaan rabnaa cisbitaallo, goobo waxbarasho iyo waddooyin!” Tani waxay muujisay in uu fahamsan yahay baahiyaha dhabta ah ee umaddiisa. Halka uu 37 jir hoggaan daacad ah u yahay dalkiisa, dalal kale oo Afrikaan ah ayaa weli haysta hoggaan 70 jirro ah oo aan dan ka lahayn horumarka dadkooda. Soomaaliya, sida dalal badan oo kale, waxay u baahan tahay hoggaan ka shaqeeya mustaqbalka jiilasha soo socda halkii ay musuq ku mashquuli lahaayeen.