Koonfur Galbeed oo gacanta ku dhigtay muqaal duube ka tirsan warbaahinta Al shabaab

Wararka ka imaanaya Degmada Waajid ayaa sheegay in ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ay ka hor tageen weerar ay Koox ka tirsan Al shabaab ku qaadeen fariisin ciidamada maamulka Koonfur Galbeed ay ku leeyihiin degmada Waajid ee gobolka Bakool.

Saraakiisha amaanka ayaa sheegay in dagaal muddo kooban socday uu halkaasi ka dhacay ayna jiraan khasaare ay gaarsiiyeen Kooxdii weerarka soo qaaday iyagoo xusay inay jiraan Dagaalamayaal Kooxda ka tirsan oo gacanta lagu soo dhigay.

Sidoo kale saraakiishaan ayaa sheegay inay hub ka furteen Kooxdii Al shabaab ee weerarka soo qaaday, waxaana la xaqiijiyay in sarkaal muhiim u ahaa warbaahinta Al-Shabaab, kaasi oo lagu magacaabo C/llaahi Axmed Maxamed oo loo yaqaan (Cabdicasiis) gacanta lagu dhigay

Eedeysanaha oo sida la sheegay muuqaal ka duubayay qaabka uu u dhacay weerarka, ayaa waxaa lagu xiray Xabsiga Waajid, halkaasi oo su’aalo lagu weydiinayo, Ciidamada amaanka ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay qalabkii uu wax ku duubayay.

Sidoo kale, ciidamada ammaanka ee deegaanka ayaa sheegay inay ka war heleen oo ay ka takhaluseen qaraxyo badan oo ay aaseen rag ka tirsan Al-Shabaab, Walxahaan Qarxa ayaa laga helay Agagaarka Garoonka Diyaaradaha Magaalada Waajid iyo Wadada Muhiimka ah ee isku xirta Garoonka Diyaaradaha ee Degmada Waajid.

Mowlaawi

Founder of Kaarabiin News Network

Related Posts

Madaxweyne Xasan Sheikh oo Ka Qeyb Galay Madasha Diblomaasiyadda Antalya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah uga qeyb galay furitaanka Madasha Diblomaasiyadda Antalya ee ka dhacaysa dalka Turkiga, isagoo matalaya Dowladda Federaalka Soomaaliya.…

Raysal wasaare Xamsa oo gaaray Laascaanood

Raysal wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow ka degay magaalada Laascaanood. Wafdi kasii horreeyay raysal wasaaraha iyo madaxda maamulka Khaatumo ayaa raysal…

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Faalooyin

The Art of Mindful Eating

The Art of Mindful Eating

Mind-Body Connection for Meditation

Mind-Body Connection for Meditation

Space tourism soars into the forefront of exploration

Space tourism soars into the forefront of exploration

AI in Healthcare: Game-Changer or Ethical Dilemma?

AI in Healthcare: Game-Changer or Ethical Dilemma?

Sleep Study Unveils New Insights

Sleep Study Unveils New Insights