Jubbaland oo soo dhoweysay wadahadalka uu ku baaqay madaxweyne Xasan Sheikh iyo Puntland oo ka gaabsatay

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa si diiran u soo dhoweeyay baaqii ka soo baxay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ee ku saabsanaa in uu gogol nabadeed u fidiyay siyaasiyiinta iyo dadka ka aragtida duwan.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegay in wada-hadalku yahay fursad muhiim ah oo looga wada hadli karo xal u helidda caqabadaha ka taagan dalka, si looga gudbo khilaafka ka jira Soomaalida dhexdeeda.

Sidoo kale, Axmed Madoobe wuxuu xoojiyay muhiimadda ay leedahay la dagaallanka kooxda Al-Shabaab, isaga oo tilmaamay in kooxda Shabaab ay tahay caqabadda ugu weyn ee hortaagan horumarka Soomaaliya.

Wuxuu ugu baaqay dhinacyada siyaasadda in aysan waqtiga iskaga lumin khilaafaadka dhexdooda ah, balse ay xoogga saaraan sidii looga adkaan lahaa Shabaab.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa noqday hoggaamiyihii ugu horreeyay ee si rasmi ah uga falceliya baaqa madaxweynaha Soomaaliya, kaas oo xalay uu u jeediyay siyaasiyiinta dalka.

Dhanka kale, Wasiirka Warfaafinta ee maamulka Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir, oo la weydiiyay sida Puntland u aragto gogosha uu fidiyay Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo arrintan.

Madaxweyne Deni ayaa horey u sheegay in Puntland ay soo dhoweynayso in la isugu yimaado gogol looga wada hadlo masiirka siyaasaadeed ee dalka.

Mowlaawi

Founder of Kaarabiin News Network

Related Posts

Madaxweyne Xasan Sheikh oo Ka Qeyb Galay Madasha Diblomaasiyadda Antalya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah uga qeyb galay furitaanka Madasha Diblomaasiyadda Antalya ee ka dhacaysa dalka Turkiga, isagoo matalaya Dowladda Federaalka Soomaaliya.…

Raysal wasaare Xamsa oo gaaray Laascaanood

Raysal wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow ka degay magaalada Laascaanood. Wafdi kasii horreeyay raysal wasaaraha iyo madaxda maamulka Khaatumo ayaa raysal…

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Faalooyin

The Art of Mindful Eating

The Art of Mindful Eating

Mind-Body Connection for Meditation

Mind-Body Connection for Meditation

Space tourism soars into the forefront of exploration

Space tourism soars into the forefront of exploration

AI in Healthcare: Game-Changer or Ethical Dilemma?

AI in Healthcare: Game-Changer or Ethical Dilemma?

Sleep Study Unveils New Insights

Sleep Study Unveils New Insights