Guddoomiyaha Midowga Afrika oo sheegay inay Dowladda Soomaaliya ku garab taagan yihiin dagaalka Al shabaab

Guddoomiyaha Midowga Afrika Maxamuud Cali Yuusuf ayaa sheegay inay Dowladda Soomaaliya ku garab taagan yihiin dagaalka ay kula jirto Kooxda Al shabaab, waxa uu ku ammaanay doorka Madaxweynaha uu ka ciyaarayo nabadeenta dalka.


Maxamuud Cali Yuusuf ayaa sheegay inay dhowaan ciidamadooda kusoo baahin doonaan Soomaaliya inkastoo ay iska jiraan waxyaabo yaryar oo dhinaca lacagta howlgalinta iyo arrimo kale oo dhinaca farsamada ah.

Waxa uu shacabka Soomaaliyeed uu ugu baaqay Guddoomiyaha Midowga Afrika inaysan u dhaga nuglaan wararka been abuurka ee baraha Bulshada lagu faafiyo ee lagu qalqal gelinaayo ammaanka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Midowga Africa ayaa ku ammaanay Soomaaliya tallaabooyinka dib u habeeynta maaliyadeed ee suurta galisay in deentii lagu lahaa laga cafiyo, sidoo kalana ay caalamka tustay ka go’naan shiyaheeda dagaalka ay kula jiro Kooxaha Argagexisada si nabad waarta ay uga dhalato Soomaaliya.

Maxamuud Cali Yuusuf oo ay si wadajir shir jaraaid ugu qabteen magaalada Muqdisho isaga iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyay doorkii taariikhiga ahaa oo ay doorashadiisa ka ciyaartay Dowladda Soomaaliya, waxaana uu tilmaamay imaan shiyahiisa Muqdisho inay cadeeyn u tahay sida Midowga Afrika ay ahmiyad gaar ah ugu leedahay Soomaaliya.

  • Mowlaawi

    Founder of Kaarabiin News Network

    Related Posts

    Madaxweyne Xasan Sheikh oo Ka Qeyb Galay Madasha Diblomaasiyadda Antalya

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah uga qeyb galay furitaanka Madasha Diblomaasiyadda Antalya ee ka dhacaysa dalka Turkiga, isagoo matalaya Dowladda Federaalka Soomaaliya.…

    Raysal wasaare Xamsa oo gaaray Laascaanood

    Raysal wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow ka degay magaalada Laascaanood. Wafdi kasii horreeyay raysal wasaaraha iyo madaxda maamulka Khaatumo ayaa raysal…

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Faalooyin

    The Art of Mindful Eating

    The Art of Mindful Eating

    Mind-Body Connection for Meditation

    Mind-Body Connection for Meditation

    Space tourism soars into the forefront of exploration

    Space tourism soars into the forefront of exploration

    AI in Healthcare: Game-Changer or Ethical Dilemma?

    AI in Healthcare: Game-Changer or Ethical Dilemma?

    Sleep Study Unveils New Insights

    Sleep Study Unveils New Insights