Fallaago hoostagta Daa1cish oo 44 ruux ku laayay masjid ku yaalla Dalka Niger

Ugu yaraan 44 qof ayaa ku dhintay weerar ka dhacay masaajid ku yaalla tuulada Fonbita ee gobolka Kokorou, koonfur-galbeed ee dalka Niger. Sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha ee dalkaas, weerarka waxaa geystay kooxo ka tirsan  Daacish.

Wasiir Toumba ayaa intaa ku daray in weerarka uu sidoo kale sababay 13 qof oo dhaawac ah, afar ka mid ahna ay xaaladoodu aad u daran tahay. Weerarkan naxdinta leh ayaa keenay in dowladda Niger ay ku dhawaaqdo saddex maalmood oo baroordiiq qaran ah, taasoo bilaabanaysa maanta.

Ciidamada ammaanka ayaa wada howlgallo lagu baadi goobayo kooxihii weerarka geystay, iyadoo dowladda ay ballanqaadday in tallaabo adag laga qaadi doono dambiilayaasha.

Warar dheeraad ah ayaa laga sugayaa baaritaanka socda.

  • Mowlaawi

    Founder of Kaarabiin News Network

    Related Posts

    Madaxweyne Xasan Sheikh oo Ka Qeyb Galay Madasha Diblomaasiyadda Antalya

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah uga qeyb galay furitaanka Madasha Diblomaasiyadda Antalya ee ka dhacaysa dalka Turkiga, isagoo matalaya Dowladda Federaalka Soomaaliya.…

    Raysal wasaare Xamsa oo gaaray Laascaanood

    Raysal wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow ka degay magaalada Laascaanood. Wafdi kasii horreeyay raysal wasaaraha iyo madaxda maamulka Khaatumo ayaa raysal…

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Faalooyin

    The Art of Mindful Eating

    The Art of Mindful Eating

    Mind-Body Connection for Meditation

    Mind-Body Connection for Meditation

    Space tourism soars into the forefront of exploration

    Space tourism soars into the forefront of exploration

    AI in Healthcare: Game-Changer or Ethical Dilemma?

    AI in Healthcare: Game-Changer or Ethical Dilemma?

    Sleep Study Unveils New Insights

    Sleep Study Unveils New Insights