Faahfaahino kasoo baxaya duqeymo culus oo kooxda Daacish lagu eegtay Toga Miiraale ee gobolka Bari

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeyn culus oo Xalay lala eegtay maleeshiyaad ka tirsan kooxda Daacish oo ku dhuumaaleysanaayay Togga Miiraale ee buuraleyda Calmiskaad ee gobalka Bari.

Taliska howlgalada ciribtirka kooxda Daacish ee maamulka Puntland ayaa xaqiijiyay in duqeynta ay fuliyeen diyaaraha dagaalka Mareykanka ee dhanka cirka ah ka taageera howlgalada ka dhanka ah Daacish iyo Al-shabaab.


“Duqeyn caawa ka dhacday Miiraale-Calmiskaad, waxaa lala beegtay firxadka Argagixisada Daacish, duqeynta waxa fuliyey saaxiibada Dowladda Puntland ee Maraykanka” ayaa lagu yiri war kooban oo kasoo baxay Taliska howlgalada ciribtirka kooxda Daacish ee Puntland.

Warka kasoo baxay Taliska laguma faahfaahin khasaaraha ka dhashay duqeynta Xalay lala eegtay kooxda Daacish ee ka dhacday Toga Miiraale ee dhulka buuraleyda ah ee Calmiskaad, mana jirto war rasmi ah oo sidoo kale kasoo baxay dhanka Taliska Mareykanka ee AFRICOM oo ku aadan khasaaraha ka dhashay duqeynta.

Si kastaba ha ahaatee Buuraleyda Calmiskaad waxaa bilahii lasoo dhaafay ka socday dagaalo toos ah iyo duqeymo ka dhan ah kooxda Daacish oo lagu doonayo in looga ciribtiro dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari oo kooxdu ku leedahay fariisimo waa weyn.

Mowlaawi

Founder of Kaarabiin News Network

Related Posts

Madaxweyne Xasan Sheikh oo Ka Qeyb Galay Madasha Diblomaasiyadda Antalya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah uga qeyb galay furitaanka Madasha Diblomaasiyadda Antalya ee ka dhacaysa dalka Turkiga, isagoo matalaya Dowladda Federaalka Soomaaliya.…

Raysal wasaare Xamsa oo gaaray Laascaanood

Raysal wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow ka degay magaalada Laascaanood. Wafdi kasii horreeyay raysal wasaaraha iyo madaxda maamulka Khaatumo ayaa raysal…

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Faalooyin

The Art of Mindful Eating

The Art of Mindful Eating

Mind-Body Connection for Meditation

Mind-Body Connection for Meditation

Space tourism soars into the forefront of exploration

Space tourism soars into the forefront of exploration

AI in Healthcare: Game-Changer or Ethical Dilemma?

AI in Healthcare: Game-Changer or Ethical Dilemma?

Sleep Study Unveils New Insights

Sleep Study Unveils New Insights