Enzo Fernandez oo Ku Faanay Inuu Isaga Ka Dambeeyay Saxiixa Xiddiga 100 Milyan Ka Badan ugu Fadhiya Chelsea

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Chelsea, Enzo Fernandez, ayaa sheegay inay sharaf u tahay inuu ka garab ciyaaro saaxiibkiis Moises Caicedo.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Argentina ayaa sheegay inuu shaqsi ahaantiisa ku adkeystay in Chelsea ay la soo wareegto ciyaaryahanka reer Ecuador.

Fernandez ayaa ku tilmaamay 23-sano jirkaan inuu yahay ciyaaryahan aan caadi aheyn oo xitaa bini’aadanimo wanaagsan leh.

Caicedo ayaa Blues ugu soo biiray xagaagii 2023 kooxda ka dhisan  Premier League ee Brighton lacag dhan 115 milyan oo gini.

Ciyaaryahanka Koonfurta Ameerika wuxuu hadda noqday qayb muhiim ah oo ka mid ah mashruuca Chelsea ee Stamford Bridge

Caicedo ayaa 55 kulan kaga garab ciyaaray khadka dhaxe ee Chelaea Fernandez tartamada oo dhan.

Ku guuleystaha Koobka Adduunka ayaa u sheegay Sky Sports, “In garoonka lala wadaago Moi in ay tahay wax cajiib ah. Wax badan ayaan ku adkaystay inuu Chelsea yimaado markii ay kooxdu dooneysay saxiixiisa.

“Isagu waa shaqsi weyn sidoo kale wax badan ayuu nagu soo kordhiyay koox ahaan. Maalin walba wuxuu u shaqeeyaa si isku mid ah.

  • Mowlaawi

    Founder of Kaarabiin News Network

    Related Posts

    Arsenal oo Heshay Booskii Ka Maqnaa, Man Utd, Liverpool, Chelsea, Barcelona, Madrid Iyo Wararkii Wargeysyada Yurub

    Daafaca bidix ee Bayern Munich Alphonso Davies ayaa u furan inuu beeca xorta ah ugu biiro koox  Premier League ah xagaagan. Arsenal iyo Liverpool ayaa ku dagaalamaya saxiixiisa, iyadoo Manchester United ay…

    Rise of Competitive Video Gaming

    E-sports has become a major industry, attracting a massive global audience. A wonderful tranquility has taken proprietorship of my entirety soul, like these sweet mornings of spring which I appreciate…

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *