Daacish oo weerar ku qaadday ciidamo Puntland oo ku sugnaa buuralayda Xabley ee gobolka Bari

Ugu yaraan hal askari oo ka tirsan ciidamada Puntland ayaa ku dhintay, sagaal kalena waa ay ku dhaawacmeen kaddib weerar ay xalay kooxda Daacish kusoo qaadday deegaanka Xabley ee degmada Ufayn ee gobolka Bari.


Weerarkan oo si gaar ah uga dhacay deegaanka Dhaban-qooxle ee buuraha Xabley, ayaa bilaabmay kadib markii maleeshiyaad ka tirsan firxadka kooxda Daacish ay weerareen saldhig ay ku sugnaayeen cutubyo ka tirsan ciidamada Puntland.

Ciidamada Puntland ayaa lasoo wariyay inay iska caabiyeen weerarkan, iyagoo dagaalka ku dilay xubno ka tirsan Daacish, lamase oga tiradooda.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in iska horimaadku uu socday ilaa saaka waaberigii.

Maalmihii ugu dambeeyay, ciidamada Puntland ayaa la kulmayay weeraro ku dhufo ah oo kaga imaanayay kooxda Daacish, kuwaas oo weli ku dhuumaalaysanaya buuraha Calmiskaad.

Maalin ka hor, qaraxyo miino ayay Daacish la eegteen gaari kuwa gargaarka degdega iyo mid kaloo ay wateen ciidamada Puntland, iyadoo halkaasi ay ka dhalatay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh.

Madaxweyne Deni ayaa dhawaan ku dhawaaqay wajiga saddexaad ee howlgalka lagusoo afjarayo kooxda Daacish. Weli ciidamadu kuma guulaysan inay gaaraan meelaha ay Daacish isku urursadeen.

  • Mowlaawi

    Founder of Kaarabiin News Network

    Related Posts

    Madaxweyne Xasan Sheikh oo Ka Qeyb Galay Madasha Diblomaasiyadda Antalya

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah uga qeyb galay furitaanka Madasha Diblomaasiyadda Antalya ee ka dhacaysa dalka Turkiga, isagoo matalaya Dowladda Federaalka Soomaaliya.…

    Raysal wasaare Xamsa oo gaaray Laascaanood

    Raysal wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow ka degay magaalada Laascaanood. Wafdi kasii horreeyay raysal wasaaraha iyo madaxda maamulka Khaatumo ayaa raysal…

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Faalooyin

    The Art of Mindful Eating

    The Art of Mindful Eating

    Mind-Body Connection for Meditation

    Mind-Body Connection for Meditation

    Space tourism soars into the forefront of exploration

    Space tourism soars into the forefront of exploration

    AI in Healthcare: Game-Changer or Ethical Dilemma?

    AI in Healthcare: Game-Changer or Ethical Dilemma?

    Sleep Study Unveils New Insights

    Sleep Study Unveils New Insights