Cirro oo deg deg ugu yeeray Biixi iyo madaxdii hore ee Somaliland – Maxaa soo kordhay?

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo uu weheliyo madaxweyne-ku-xigeenka Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa maanta kulan wada-tashi ah iskugu yeeray madaxweynayaashii iyo madaxweyne-ku-xigeenadii hore ee Somaliland.

Madaxweyne Cirro ayaa madaxweynayaasha iyo madaxweyne-ku-xigeennada uu kulanka wada-tashiga ah la yeeshay maanta ayaa waxaa kamid ahaa:

1. Madaxweynihii 5-aad ee Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi

2. Madaxweynihii 3-aad ee Somaliland Mudane Daahir Riyaale Kaahin

3. Madaxweyne-ku-xigeenkii 3-aad Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin

4. Madaxweyne-ku-xigeenkii 2-aad Mudane Cabdiraxmaan Aw Cali Faara

Arrimaha muhiimka ah ee uu madaxweynuhu kala hadley madaxweynayaashii iyo ku-xigeenadii hore ayaa ahaa wada-tashi la xidhiidha xaaladaha hadda taagan ee mihiimadda iyo mudnaanta gaarka ah u leh Somaliland .

Guntii iyo gaba-gabadii, isku-xidhnaanta madaxda Somaliland ay xilli walba kaga arrinsadaan xaaladaha dalku waa towfiiqda iyo talo-waaga ay Somaliland kaga duwan tahay Soomaalida kale.

“Kulankooduna waxa uu ummadda Jamhuuriyadda Somaliland u yahay ISHAARO-SAN iyo YIDIDIILO ah dhinaca adkaynta Qarannimada iyo wadajirka ummadda Jamhuuriyada Somaliland,” ayaa lagu yiri Madaxtooyada Somaliland ay kasoo saartay kulankaan.

Dhinaca kale, waxaa isna kulanka qayb ka ahaa madaxweyne-ku-xigeenkii 4-aad iyo 5-aad Cabdiraxman Saylici, laakiin kulanka ka maqnaa hooyadii oo Boorama ku geeriyootay awgeed, taasi oo ay madaxweynayaasha iyo madaxweyne-ku-xigeenadu ay si wada jir ah uga tacsiyadeeyeen geeridaa ku timid.

Sidoo kale, kulanka waxa isaguna qeyb ka ahaa gudoomiyihii hore ee Golaha Wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Faarax.

Waxaa sidoo kale kulankan wada-tashiga ah qeyb ka ahaa balse xaalado caafimaad uga maqnaa madaxweyne-ku-xigeenkii 1-aad ee Somaliland Xasan Ciise Jaamac, waxayna si wada-jir ah Alle uga baryeen inuu caafimaad taam ah siiyo.

  • Mowlaawi

    Founder of Kaarabiin News Network

    Related Posts

    Madaxweyne Xasan Sheikh oo Ka Qeyb Galay Madasha Diblomaasiyadda Antalya

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah uga qeyb galay furitaanka Madasha Diblomaasiyadda Antalya ee ka dhacaysa dalka Turkiga, isagoo matalaya Dowladda Federaalka Soomaaliya.…

    Raysal wasaare Xamsa oo gaaray Laascaanood

    Raysal wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow ka degay magaalada Laascaanood. Wafdi kasii horreeyay raysal wasaaraha iyo madaxda maamulka Khaatumo ayaa raysal…

    Faalooyin

    The Art of Mindful Eating

    The Art of Mindful Eating

    Mind-Body Connection for Meditation

    Mind-Body Connection for Meditation

    Space tourism soars into the forefront of exploration

    Space tourism soars into the forefront of exploration

    AI in Healthcare: Game-Changer or Ethical Dilemma?

    AI in Healthcare: Game-Changer or Ethical Dilemma?

    Sleep Study Unveils New Insights

    Sleep Study Unveils New Insights