Ciidamadii Ahlu Sunna Waljamaaca oo dib loo howlgalinayo si ay u xoojiyaan dagaalka lagula jiro Al shabaab

Hogaamiyaha Ahlu Sunna Waljamaaca ee gobolada Dhexe Sheekh Maxamed Shaakir ayaa sheegay inay jirto dib u howlgalinta ciidamadii Ahlu Sunna ee Gobolada dhexe ka xoreeyay Al shabaab kuwaasi oo kusoo biiraya dagaalka ka dhanka ah Kooxda Al shabaab.


Sheekh Shaakir ayaa tilmaamay in arintaan ay kawada hadleen isaga iyo General ka ugu sareeya ciidanka Militariga Soomaaliya General Odawaa Yuusuf Raage oo uu shaaca ka qaaday inuu qorshahaasi si weyn usoo dhoweeyay.

Waxa uu xusay Sheekh Shaakir in siyaasiyiinta Soomaalida ay arintaan ku garab taagan yihiin xitaa Dowladdu ay ka warheyso dib u howlgalinta ciidamadaan iyadoo laga faaideysanayo khibrada ay u leeyihiin dagaaladii ay kaga sifeeeyen Gobolada Dhexe.

Sheekh Shaakir ayaa hadalkaan u sheegay wareysi uu siiyay TV ga maxaliga ah ee SMS, waxaana uuna carab ku adkeeyay in Ciidamada Ahlu Sunna la diyaariyay ayna ku biiri doonaan jiidaha hore ee dagaalka si ay u caawiyaan ciidanka Qaranka Soomaaliyeed.

Hadalka Sheekh Maxamed Shaakir ayaa imaanaya iyadoo maalmihii lasoo dhaafay ay jirtay hadal hayn badan oo qabsatay baraha Bulshada kaa oo ahaa in Ahlu Sunna dib ay isku abaabuleyso si ay ugu biirto dagaalka lagula jiro al shabaab.

  • Mowlaawi

    Founder of Kaarabiin News Network

    Related Posts

    Madaxweyne Xasan Sheikh oo Ka Qeyb Galay Madasha Diblomaasiyadda Antalya

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah uga qeyb galay furitaanka Madasha Diblomaasiyadda Antalya ee ka dhacaysa dalka Turkiga, isagoo matalaya Dowladda Federaalka Soomaaliya.…

    Raysal wasaare Xamsa oo gaaray Laascaanood

    Raysal wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow ka degay magaalada Laascaanood. Wafdi kasii horreeyay raysal wasaaraha iyo madaxda maamulka Khaatumo ayaa raysal…

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Faalooyin

    The Art of Mindful Eating

    The Art of Mindful Eating

    Mind-Body Connection for Meditation

    Mind-Body Connection for Meditation

    Space tourism soars into the forefront of exploration

    Space tourism soars into the forefront of exploration

    AI in Healthcare: Game-Changer or Ethical Dilemma?

    AI in Healthcare: Game-Changer or Ethical Dilemma?

    Sleep Study Unveils New Insights

    Sleep Study Unveils New Insights