Arsenal oo Heshay Booskii Ka Maqnaa, Man Utd, Liverpool, Chelsea, Barcelona, Madrid Iyo Wararkii Wargeysyada Yurub

Daafaca bidix ee Bayern Munich Alphonso Davies ayaa u furan inuu beeca xorta ah ugu biiro koox  Premier League ah xagaagan. Arsenal iyo Liverpool ayaa ku dagaalamaya saxiixiisa, iyadoo Manchester United ay sidoo kale isha ku heyso horumarkiisa. (TBR Football)

Daafaca dhexe ee kooxda Paris Saint-Germain Milan Skriniar ayaa lagu qiimeeyay 29 milyan ginni, taasoo soo jiidatay kooxaha Arsenal iyo Tottenham Hotspur. (Caughtoffside)

Hogaamiyayaasha Serie A ee Atalanta ayaa diyaar u ah in ay Liverpool u soo bandhigaan fursad ay kaga qaataan xiddiga garabka uga ciyaara ee Federico Chiesa iyaga oo dalab amaah ah kaas oo sidoo kale ay ku jirto sharuud iibsi ah hordhigay. (Tutto Atalanta – Italy)

Manchester City ayaa rajayneysa inay Atletico Madrid, PSG, Inter iyo Newcastle United ku garaacdo saxiixa 22 jirka garabka uga ciyaara Monaco ee Magnes Akliouche. (Caughtoffside)

idoo kale Man City ayaa isha ku heysa weeraryahanka Lille Jonathan David, kaasoo beeca xorta ah lagu heli karo xagaaga. (TBR Football)

Barcelona ayaa u soo bandhigi karta Ronald Araujo ama Ansu Fati midkood dalabka is dhaafsi ah oo ay ku doonayaan weeraryahanka Inter Marcus Thuram, kaasoo sidoo kale ay dooneyso Real Madrid. (InterLive – Italy)

Daafaca bidix ee Arsenal Kieran Tierney ayaa diyaar u ah inuu diido dalab kale oo uu ugu laabanayo Celtic. (Football Insider )

Napoli ayaa dooneysa inay lasoo saxiixato daafaca bidix ee Man Utd Luke Shaw bisha Janaayo, Red Devils ayaana diyaar u ah inay dhageysato dalabaadka u imaanya. (Napoli Calcio Live – Italy)

Arsenal,Chelsea iyo Tottenham ayaa indha indheeyayaal u diray daafaca dambeedka midig ee Club Brugge Maxim De Cuyper (Caughtoffside)

PSG ayaa diyaarineysa dalab dhan 60 milyan oo euro si ay ula soo wareegto weeraryahanka Aston Villa Jhon Duran. (Fichajes – Spain)

West Ham United ayaa dib uga yeereysa Maxwel Cornet oo amaah ku jooga Southampton bishii Janaayo, waxay rabaan in ay si rasmi ah u iibiyaan. (The Sun)

RB Leipzig ayaa dalban doonta lacag ugu yaraan €70m haddii ay iibinayaan weeraryahan Benjamin Sesko, kaasoo bartilmaameed u ah Arsenal. (Fichajes – Spain)

  • Mowlaawi

    Founder of Kaarabiin News Network

    Related Posts

    Somalia earns first World Cup qualifier point with 0-0 draw against Guinea

    Mogadishu (Kaarabiin.net)  —Somalia earned their first point of the 2026 FIFA World Cup qualifiers on Friday with a disciplined defensive performance in a goalless draw against Guinea at the Stade…

    Halyeygii Feerka Ee George Foreman Ayaa Geeriyooday Isagoo 76 Jir Ah

    Feeryahan George Foreman, oo caan ku ahaa soo laabashadiisa cajiibka ah ee ciyaaraha, kaasoo dib u helay horyaalka feerka miisaanka culus isagoo 45 jir ah, ayaa geeriyooday isagoo 76 jir…

    Faalooyin

    The Art of Mindful Eating

    The Art of Mindful Eating

    Mind-Body Connection for Meditation

    Mind-Body Connection for Meditation

    Space tourism soars into the forefront of exploration

    Space tourism soars into the forefront of exploration

    AI in Healthcare: Game-Changer or Ethical Dilemma?

    AI in Healthcare: Game-Changer or Ethical Dilemma?

    Sleep Study Unveils New Insights

    Sleep Study Unveils New Insights