
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah uga qeyb galay furitaanka Madasha Diblomaasiyadda Antalya ee ka dhacaysa dalka Turkiga, isagoo matalaya Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Madashan oo ka mid ah goobaha ugu muhiimsan ee caalamka loogu lafaguro arrimaha amniga iyo siyaasadda, ayaa ah fursad muhiim u ah xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya la leedahay dalalka caalamka, kor u qaadidda is-dhaafsiga khibradaha maamul, iyo adkaynta doorka Soomaaliya ee arrimaha caalamiga ah, iyadoo la ilaalinayo midnimada, madax-bannaanida iyo danaha qaranka.


Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey Dowladda iyo shacabka Turkiga martiqaadka iyo soo dhoweynta diirran ee ay u fidiyeen wafdigiisa. Inta uu joogo madasha, Madaxweynaha ayaa kulammo gaar ah la yeelan doona madaxda iyo hoggaamiyeyaasha kale ee caalamka, si loo sii amba-qaado dadaallada diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo iskaashiga ay la leedahay beesha caalamka.