
Sonja Nientiet oo ahayd Kalkaaliso jarmalka ayaa lagu afduubtay soomaaliya 2018 taas illaa iyo hadda meesha ay joogto aan si saxa loo ogayn.
Sonja ayaa waxaa lasheegay in uu afduubtay nin lagu magacaabo maxamuud Maxamed calas, oo ka tirsanaa ilaalada laan qeerta cas ee ICRC ee magaalada muqdisho.

Maxamuud waxaa qorshahaan kala shaqeeyay rag hubeysan kuwaas oo galay Isla markaana Sonja oo ah gabadha la afduubtay oo ka soo baxday shaqada ugu galay xarunta hay’adda iyaga oo kala baxay albaabka danbe ee xarunta Laga soo galo saacadu markay ahayd 8:00 fiidnimo maalin arbaco ah 2018.
Waxayaabaha sahlay afduuka Sonja waxaa kamid ah, Hay’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya Muqdisho ama xafiisyada ku leh, waxay intooda badan ama gabigood ka hawl galaan gudaha xerada Xalane iyo garoonka dayaaradaha ee Aadan Cadde.
Hay’adda Laanqayrta cas kama mid aha hay’adahaas, waxayna xafiis ku leeyihiin magaalada gudaheeda.
Shaqaalaha maxalliga iyo kuwa caalamiga waxay labadaba ku shaqeeyaan xafiiskaas, walow tirada shaqaalaha ajnabiga ah ee xafiiska jooga ay aad uga yar yihiin kuwa maxalliga.
Maxamuud iyo eheladiisuba waxay deganyihiin Gobolka Benaadir markii Dowladu arrinkaa maqashay in uu falkaas gaystay waxay la xariirtay ehelikiisa waxay na u sheegeen in wiilkoodu uu soo celiyo gabadha uu afduubtay isagoon wax dhibaato ah gaarsiin, balse dhag jalaq looma siin.

2018 xilligii xukuumaddii Raisul wasaare khayre ayey qaaday tallaabadii ugu horreeysay taas oo ahayd in dadkii ka shaqeynayay hay’addaas qaarkood la xiray si baaritaan loogu sameeyo balse markii dambe la iska sii daayay markii wax danbi ah lagu waayay.
Dib haddaan ugu noqono maxamuud iyo raggii afduubtay gabadha saddex maalmood dabadeed markii afduubteen gabadha waxay dalbadeen lacag madax-furasho ah oo aan macquul ahayn oo ah 20 milyan oo doolar, Ciidamada amnigu markii falkaas loo sheegay baaritaan ayay sameeyeen gaarigii lagu afduubtay gabadha waxaa loogu tagay agagaarka Tarabuunka oo dhacda Degmada Hodan ee Gobolka Benaadir waxayna halkaa ciidamadu ugu tageen gaariga oo taayiradii laga banjariyay balse mar hore laga tagay.
Afhayernkii hore ee wasaaradda Amniga Cabdicasiis Xildhibaan ayaa sheegay in Maxamuud Calas iyo raggii la socday ay ka dambeeyeen afduuka gabadhaas.


Ugu dambeeyn Sonja Nientiet waxaa afduubtay ilaaladeeda, ICRC iyo dawladda Soomaaliyaba waxay xaqiijiyeen in ilaalaada hay’adda ay ka dambeeyeen afduubka gabadhaas kalkaalisada ah, Sonja Nientiet waxay afduubanyahay muddo dhan 7 sano kiiskeeda waxaa ka muuqda inuu yahay mid aan daacad laga ahayn wax is dabamarin badanna ay jirto cidda hadda haysatana ay tahay laba midkood dad ganacsato ah oo ku hayb ah Calas ama saraakiil dowladeed oon wajigoodu muuqaan oo xiriir la leh Ururka Alshabaab.