Muqdisho: Dibadbax Looga Soo Horjeedo Xadgudubyo Ka Dhacay Kenya & Puntland

Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay banaanbax ballaaran oo ay dadweyne careysan kaga soo horjeedeen tacaddiyo dhowaan ka dhacay gudaha Kenya iyo Puntland.

Dumar bannaanbaxaya


Dibadbaxayaasha ayaa si gaar ah uga dhiidhiyay dhacdada gabadh Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Anfac, taasoo kufsi wadareed loogu geystay dalka Kenya, iyagoo dalbanayay in cadaaladda la marsiiyo kuwii falkaasi ka dambeeyay.

Sidoo kale, mudaharaadayaashu waxay ka hadleen guurka gabar la sheegay inay 8 sano jir tahay, balse markii dambe la ogaaday inay tahay 20 jir, kuna guursatay wadaad ku sugan magaalada Carmo.

Dadka ka qayb galay banaanbaxa ayaa dalbaday in la xoojiyo ilaalinta xuquuqda haweenka iyo carruurta, loona istaago ka hortagga xadgudubyada lagula kaco.

Related Posts

Madaxweyne Xasan Sheikh oo Ka Qeyb Galay Madasha Diblomaasiyadda Antalya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah uga qeyb galay furitaanka Madasha Diblomaasiyadda Antalya ee ka dhacaysa dalka Turkiga, isagoo matalaya Dowladda Federaalka Soomaaliya.…

Raysal wasaare Xamsa oo gaaray Laascaanood

Raysal wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow ka degay magaalada Laascaanood. Wafdi kasii horreeyay raysal wasaaraha iyo madaxda maamulka Khaatumo ayaa raysal…

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Faalooyin

The Art of Mindful Eating

The Art of Mindful Eating

Mind-Body Connection for Meditation

Mind-Body Connection for Meditation

Space tourism soars into the forefront of exploration

Space tourism soars into the forefront of exploration

AI in Healthcare: Game-Changer or Ethical Dilemma?

AI in Healthcare: Game-Changer or Ethical Dilemma?

Sleep Study Unveils New Insights

Sleep Study Unveils New Insights