Ardayad Turkish ah oo lagu xiray Mareykanka ayada oo aan dacwad lagu soo oogin

Rumeysa Ozturk, oo ah 30 jir Turkish ah kana mid ah ardayda PhD-da ee Jaamacadda Tufts, ayaa lagu xiray magaalada Somerville, Massachusetts, isniintii. Muuqaal la helay ayaa muujinaya kooxo waji-xiran oo ICE the ka tirsan oo xireysa iyada, kuna qaaday gaari aan la aqoonsan.

ICE (U.S. Immigration and Customs Enforcement) waa hay’ad ka tirsan dowladda Mareykanka oo mas’uul ka ah fulinta sharciyada socdaalka iyo sugidda ammaanka xuduudaha. Waxay qabataa howlaha la xiriira dadka si sharci darro ah ku jooga dalka, baaritaanka dambiyada la xiriira socdaalka, iyo ka hortagga waxyaabaha sharci darrada ah ee soo gala Mareykanka.

Xariga Rumeysa Ozturk waxaa fulisay ICE, taasoo keentay muran sharci iyo mid diblomaasiyadeed oo xooggan.

Rumeysa oo la xirayo



Mas’uuliyiinta Mareykanka ayaa ku eedeeyay Ozturk inay la xiriirtay kooxda Hamas, taasoo sababtay in laga laalo fiisaha ardaynimo (F-1). Qareenkeeda ayaa beeniyay eedahaas, isaga oo sheegay in lagu xiray iyada oo aan wax dacwad ah lagu soo oogin xilli ay u socotay xaflad iftar ah. Waxaa la sheegay in si degdeg ah loogu wareejiyay xabsi ICE oo ku yaal Louisiana, inkastoo maxkamad ay horay u amartay in aan la dhaqaajin iyada oo aan ogeysiis 48 saacadood ah la bixin.

Jaamacadda Tufts ayaa ka muujiysay walaac ku saabsan xarigeeda, halka safaaradda Turkigu ay dadaal ugu jirto sidii loo sii deyn lahaa. Maxkamad federaal ah ayaa hadda dalbatay sharaxaad ku saabsan sababta loogu wareejiyay xabsiga Louisiana.

Arrintan waxay dhalisay su’aalo culus oo ku saabsan cadaaladda iyo sida loo maareeyo ardayda caalamiga ah ee wax ka barta Mareykanka.

Mowlaawi

Founder of Kaarabiin News Network

Related Posts

Madaxweyne Xasan Sheikh oo Ka Qeyb Galay Madasha Diblomaasiyadda Antalya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah uga qeyb galay furitaanka Madasha Diblomaasiyadda Antalya ee ka dhacaysa dalka Turkiga, isagoo matalaya Dowladda Federaalka Soomaaliya.…

Raysal wasaare Xamsa oo gaaray Laascaanood

Raysal wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow ka degay magaalada Laascaanood. Wafdi kasii horreeyay raysal wasaaraha iyo madaxda maamulka Khaatumo ayaa raysal…

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Faalooyin

The Art of Mindful Eating

The Art of Mindful Eating

Mind-Body Connection for Meditation

Mind-Body Connection for Meditation

Space tourism soars into the forefront of exploration

Space tourism soars into the forefront of exploration

AI in Healthcare: Game-Changer or Ethical Dilemma?

AI in Healthcare: Game-Changer or Ethical Dilemma?

Sleep Study Unveils New Insights

Sleep Study Unveils New Insights