
Bujumbura – Madaxweynaha Burundi, Évariste Ndayishimiye, ayaa ku eedeeyay dowladda Rwanda inay qorshaynayso weerar ka dhan ah dalkiisa si ay u fuliso afgambi. Wuxuu sheegay in sirdoonka Burundi ay heleen xog muujinaysa in Rwanda ay taageero siiso kooxda fallaagada ah ee Red Tabara, taasoo uu ku tilmaamay mid la mid ah kooxda M23, oo ka dagaallanta Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC).
Dowladda Rwanda ayaa si degdeg ah u beenisay eedeymahaas, iyada oo ku tilmaantay inay yihiin “xogo aan sal iyo raad lahayn.” Afhayeen u hadlay Kigali ayaa sheegay in Rwanda aysan wax lug ah ku lahayn xaaladda ka taagan Burundi, islamarkaana ay ka go’an tahay nabadda iyo xasilloonida gobolka.
Xiisadda u dhaxeysa labada dal ayaa sare u kacday bilihii la soo dhaafay, iyadoo Burundi ay horey ugu eedeysay Rwanda inay martigeliso kooxo ka dagaallama gudaha Burundi. Dhanka kale, xukuumadda Kigali ayaa marar badan ku doodday in Burundi ay ka qeyb qaadato colaadaha ka aloosan xuduudaha DRC iyo Rwanda.
Xiisaddan cusub ayaa imaaneysa xilli ururka Bariga Afrika (EAC) iyo Midowga Afrika (AU) ay wadaan dadaallo lagu xasilinayo gobolka, oo ay ka taagan yihiin dagaallo u dhaxeeya kooxaha hubeysan iyo dowladaha dariska ah.
Waxaa la sugayaa tallaabada xigta ee ay qaadi doonto Burundi, iyadoo la filayo in arrintan laga wada hadlo shirarka heer gobol.