Ilhan Cumar “Aniga & Elon labadeenna waxa aan Maraykanka ku nahay soogalooti marka dadka loo diyaarinayo tarxiil”

Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka falcelisay qaraar dhowaan la diyaariyay oo ah in xil ka xayuubin lagu sameeyo kaddibna loo masaafuriyo Soomaaliya oo asal ahaan kasoo jeeda ayaa riyo maalmed ku tilmaamtay dadka ku fakiraya arrintaas.

Qorshahaan waxaa daaha gadaashiis ka maamulaya Maalqabaynka xilka ka haya Dowladda Maraykanka ee Elon Musk isaga oo kaashanay xubno kale oo Xeer dejiyaal ah oo kasoo jeeda Gobolka Texas kana tirsan Xisbiga Jamhuuriga.

“Aniga iyo Elon waxaan labadeennaba muhajiriin ku nahay dalkan, waxayna u eg tahay in qofkeenna uusan isku dhibin inuu barto shuruucda dhulkan. Gabi ahaanba waa xuquuqda dastuuriga ah ee dadka inay xuquuq leeyihiin ayadoo aan loo eegin meeqaamkooda.”

Ayay Tiri Xildhibaan Ilhaan Cumar.


Ilhaan ayaa sheegtay in aanay xaq dastuuri ah u lahayn maamulka Donald Trump in ay tarxiilaan ama qaadaan dadka sida sharciga u jooga Dalkaas, waxa ay tilmaamtay in loo baahanayo shuruudo badan oo haddii laga soo gudbo dadka la qaadi karo.

“Waxaan leenahay nidaam la maro, waxa aan leenahay talaabooyin la isku hubiyo. Waxa aan ognahay in marka dadka loo diyaarinayo tarxiil, inay tahay in ay hor tagaan xaaakimka socdaalka.”

Ayay hadalkeeda sii raacisay.

Hadalkeeda ayay Ilhaan Cumar kusoo gabagabeysay

“Waxaan ognahay in ay tahay in aad hesho ruqsad soo qabasho oo uu saxiixay xaakimka socdaalka ka hor inta aadan aadin in aad qof soo xirto. Dhamaantood arrimahaas waa xogta ay dadku doonayaan in ay ogaadaan, kumana noolaan karno meel la iska indhatiro isku xukunka sharciga, oo aan iska indha tirayno nidaamka la maro, oo aan abuurayno jawi cabsi leh”.

Ilhaan Cumar waxa ay sanado isku dhegen yihiin Madaxweynaha dib loo doortay ee Donald Trump, waxa uu ballaariyay furimaha Xildhibaannadaan ku sugan isaga oo markaan dhinac kasoo geliyay xubno ay isku xisbi yihiin iyo kuwo kale oo xilal u magacaabay.

  • Mowlaawi

    Founder of Kaarabiin News Network

    Related Posts

    Madaxweyne Xasan Sheikh oo Ka Qeyb Galay Madasha Diblomaasiyadda Antalya

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah uga qeyb galay furitaanka Madasha Diblomaasiyadda Antalya ee ka dhacaysa dalka Turkiga, isagoo matalaya Dowladda Federaalka Soomaaliya.…

    Raysal wasaare Xamsa oo gaaray Laascaanood

    Raysal wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow ka degay magaalada Laascaanood. Wafdi kasii horreeyay raysal wasaaraha iyo madaxda maamulka Khaatumo ayaa raysal…

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Faalooyin

    The Art of Mindful Eating

    The Art of Mindful Eating

    Mind-Body Connection for Meditation

    Mind-Body Connection for Meditation

    Space tourism soars into the forefront of exploration

    Space tourism soars into the forefront of exploration

    AI in Healthcare: Game-Changer or Ethical Dilemma?

    AI in Healthcare: Game-Changer or Ethical Dilemma?

    Sleep Study Unveils New Insights

    Sleep Study Unveils New Insights