Maamulka Gobolka Banaadir oo 20 neef oo Geel ku wareejiyay Ciidanka Federaalka & Macawiisleyda

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa 20 neef oo Geel ah & Raashin ku wareejiyay Saraakiil katirsan Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ee Macawiisleyda Gobolka Shabeelaha Dhexe ka howlgalaya si loo kordhiyo dagaallada ka dhanka ah AS.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Magaalada Muqdisho Maxamed Axmed Amiir oo wakiishay Guddoomiyaha Degmada Yaaqshiid Suleymaan Fargax ayaa deeqdaan loo gacan geliyay saraakiisha ciidanka Xoogga.

Fargax oo ku sugan furimaha dagaalka ee Shabeelaha Dhexe ayaa sheegay in uu Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho u sheegay in kaalmada garab istaagga ay isdaba-joog tahay kuwo kalena ay soo socdaan sida uu hadalka u dhigay.


Magaalada Muqdisho waxaa ka socda abaabul xooggan oo lagu garab istaagayo Ciidamada Federaalka iyo kuwa Deegaanka ee Macawiisleyda, waxaa door firfircoon ku leh Haweenka oo dhowaan soo bandhigay cunno qalalan oo ay u direen ciidamadaas iskaashanay.

Mowlaawi

Founder of Kaarabiin News Network

Related Posts

Madaxweyne Xasan Sheikh oo Ka Qeyb Galay Madasha Diblomaasiyadda Antalya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah uga qeyb galay furitaanka Madasha Diblomaasiyadda Antalya ee ka dhacaysa dalka Turkiga, isagoo matalaya Dowladda Federaalka Soomaaliya.…

Raysal wasaare Xamsa oo gaaray Laascaanood

Raysal wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow ka degay magaalada Laascaanood. Wafdi kasii horreeyay raysal wasaaraha iyo madaxda maamulka Khaatumo ayaa raysal…

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Faalooyin

The Art of Mindful Eating

The Art of Mindful Eating

Mind-Body Connection for Meditation

Mind-Body Connection for Meditation

Space tourism soars into the forefront of exploration

Space tourism soars into the forefront of exploration

AI in Healthcare: Game-Changer or Ethical Dilemma?

AI in Healthcare: Game-Changer or Ethical Dilemma?

Sleep Study Unveils New Insights

Sleep Study Unveils New Insights