
Hargeysa – Roobabkii mahiigaanka ahaa ee shalay ka da’ay magaalada Hargeysa ayaa sababay daadad xooggan oo saameeyay dhismayaal, gaadiid, iyo isu socodka dadweynaha.
Mid kamid ah dhacdooyinka naxdinta leh ee ka dhashay roobkan ayaa ah aabbe uu daadku ka qaaday saddex caruur ah, waxaana la soo badbaadiyay laba kamid ah, halka mid kalena wali la la’yahay.
Sidoo kale, dhismayaal badan ayaa dumay, taasoo keentay khasaare hantiyadeed oo baaxad leh. Dadweynaha ayaa loogu baaqayaa in ay taxaddar muujiyaan, gaar ahaan kuwa ku nool meelaha u nugul daadadka.