Bangi Ribix iyo Bangi Muraabaxo

Nin baa la sheegay in isaga oo $5000 raba uu bangi islaami ahi siiyay 200 oo kiish oo sonkor ah kiishkiina loogu dhuftay 25 $ ka dib isna suuqa ayaa uu kaga iibiyey kiishkiiba 23 $ si ay isugu raacaan khasaare iyo dulsaar uu bangigu ka rabo !

Ninkaasi marnaba khasaare noocaas ah ma galeen haddii uu bangi caadi ah (conventional bank) dayn ka qaadan lahaa.

Sideedaba bangiyada ribxiga ah iyo bangiyada muraabaxada waxa u dhexeeya inta erayga ribix (ربح) la leexleexiyay ربح ربحا & رابح مرابحة ; waa isla eraygii uun oo luuqluuq la mariyay , bangiyadanna waa isla bangiyo uun se qaar dadka mariyaan luuqluuq daal iyo wareer leh.

Muraabaxada fiqiga asalkeedu waa in aan hanti aan iskay u leeyahay ka iibiyo cid kale oo aan ku heshiino in ay wax ii saarto intii aan ku iibsaday ; waa iib caadi ah oo hantidaydaa aan ka iibiyay ciddaaa marnaba uma aan yeelan in aan isla ciddaa ka iibiyo ugu yaraan , haddii aan u yeeshayba in aan iibiyo , faaiidada ay ciddaasi ii saartaana waa mid ku timid afgarashada aannu isku baayacnay ee marnaba ma aha mid ay keentay dayn ay ciddaasi ku rabto.

Haddii aad rabto gaadhi aanan lahayn se aan lacag haysto waa labo mid uun ;
1/ in aan ku daymiyo lacag gaadhigaa goysa oo aad hadhaw ii soo celiso lacagtii aan ku siiyay oo aan waxba la socon ; waa samafal aan kuu sameeyay waana waxa afka carbeed lagu yidhaahdo “alqardul-xasan” oo ah eray ay afduubteen bangiyo dheef doon ahi.
2/ in aan kala shaqeysano oo aan lacagta aad gaadhiga ku iibsanayso ku siiyo se aad faaiido ii soo raaciso marka aad ii soo celinayso ; markan farqi uma dhexeeyo in aan lacagta farta kaa saaro oo aad gaadhiga ku iibsato iyo in aan anigu kaa dhiibo oo aan farta ka saaro qoloda gaadhiga leh adna gaadhiga qaadatid ! nuxurka meesha ku jiraaba waa in aad gaadhi rabtay lacagna aanad u haysan ka dihna dayn ku qaadatay anna aan ku daymiyay dulsaarna ku helay.
Sheekada ah lacag la isuma dhiibin ee gaadhi baa loo baddalay waa xaydh dhalaalintii yuhuudda laga sheegay.

Sideedaba lacagtu waa qiime waxaana lagu kala ganacsadaa qiime dheef leh .
Boqolkaa jawaan qaado oo ku ganacso ka dibna faaiidada aad ka soo saarto intaa iiga keen raasumaalkana ii soo celi waxba kaga ma duwana boqol kun oo lacag ah qaado oo ku ganacso ka dibna raasumaalka iyo faaiidada wax ka mid ah oo aan ku heshiinno ii soo celi.
Ribada ay diintu diidday caqliguna diidayo waa midda la isku dulmiyayo (و لكم رؤوس أموالكم لا تَظلِمون و لا تُظلَمون) sida in uu qof waayo masruufka carruurta ka dibna amaahdo deedna dayn dulsaar leh looga doono lacagtii uu cunay ee aanu wax faaiido ah ka soo saarin ! taasi waa dulmi iyo bahalnimo bulsho waa se in qofkaa miskiinka ahi lacagta ka daynsado cid aan asal ahaan lacagta ka ganacsan sida bangi ee uu dadka caadiga ah ka daynsado sababta oo ah bangigu dayn bilaa faaiido ah waa uu ku khasaarayaa oo wareejinta lacagta marka horeba lacag buu galiyay halka qofka caadiga ahi lacagta uu jeebka ku haysto aanu ku khasaarayn haddii uu cid daymiyo ; ujeedka ribada loo reebay waa in aanu bulshada samafalku ka dhammaan dulmina aanu jirin se haddiiba labada dhinac ee is daymiyay faaiido kala qaybsanayaan dulmi halkaa ma yaallo.

Ninkaa aan sheekada ku keennay ee bangiga islaamiga ahi sonkorta ku daymiyay dulsaarka isaga oo lacag rabay ka dibna suuqa ku xaraashay labadii boqol ee kiish waa lagu dulmiyay dayntaa waxaana lagu ribeeyay 200 oo kiish taas ayaana ribo ah.

Waxa faaiidada dayminta la mid ah dulsaarka dhigashada oo meheraddii lacagta ka ganacsata (bangi) ee aad u dhiibato lacag ka dibna lacagtaadii ku ganacsata waa gar in ay wax kaa siiso dheefta lacagtaadu soo saartay waayo lacagtaada ayaa faaiidada dhashay isna waxa uu kaaga badsanayaa inta uu dadaalka galiyay uun xaqna kuugu ma leh in uu ku marmarsoodo khasaarahaba haddaanad ila qaybsanayn faaiidadana ha ila qaybsan maxaa yeelay faaiidada wax aad ula qaybsanaysaa waa in uu lacagtaadii ka sameeyay khasaarahana waxaanad ula qaybsanayn waa in aanad la maamulin oo aanad talo ku lahayn sida uu ugu ganacsado lacagtaada.

  • Mowlaawi

    Founder of Kaarabiin News Network

    Related Posts

    Bugtii Waynayd “The Big Bang”

    Sannadkii 1920-kii ayaa nin xiddigayahan ahaa oo la oran jiray Edwin Hubbal ogaaday inuusan koonku ahayn mid taagan kadib m arkuu ku eegay waynaysada fogaanta,  markaasna uu arkay diillin-caanoodyo sii socda…

    Cirro oo deg deg ugu yeeray Biixi iyo madaxdii hore ee Somaliland – Maxaa soo kordhay?

    Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo uu weheliyo madaxweyne-ku-xigeenka Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa maanta kulan wada-tashi ah iskugu yeeray madaxweynayaashii iyo madaxweyne-ku-xigeenadii hore ee Somaliland. Madaxweyne Cirro ayaa…

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *