Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo si kulul uga hadlay weerarkii Ceel baraf ee lagu dilay Askarta

Qaar ka mid ah Xildhibaanadda Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ee deegaan doorashadoodu tahay gobolka Hiiraan ayaa si adag uga hadlay falkii Shalay ka dhacay deegaanka Ceel baraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe ee lagu dilay Askar ka tirsaneyd ciidanka xoogga dalka.

Xildhibaan Cabdimaalik Cabdala oo ka hadlay falkaasi ayaa tilmaamay iney geysteen Al-shabaab ku dhex jira dadka shacabka ah, si ay isaga horkeenaan beelahaha walaalaha ah.

“Maanta waxaa Ceel Baraf lagu dilay Ciidan ka tirsan Xooga Dalka Soomaaliyeed. Ciidankaas dadka dilay ayaga ayaa cadeeymaha iska duubay,sawiro iska qaaday. Waana la garanayaa. Waa Al-Shabaab ku dhex jiro shacabka. Ma adkaan doonto in si dhaqso ah sharciga loo horkeeno. Waxaan xasuusinayaa dadka aan metelo in Al- Shabaab ay noocyo badan yihiin. Sidaas darteedna ay ka shaqeeynayaan in ay Beelaha Walaalaha ah iska hor keenaan. Falka dhacay maanta waxaa geystay Al- Shabaab. Waana la soo qabanayaa In Sha Allah” ayuu yiri Xildhibaan Cabdimaalik Cabdala.

Xildhibaanka ayaa ugu baaqay dadka uu ku  matalo Baarlamaamka Soomaaliya ineysan qaadin wax talaabo ah oo ay ka war sugaan  Taliska Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed.

“Argagixisado waxey rabtaa in Jihaadkii aan la galnay ay u bedelaan dagaal beeleed. Taasna waa in aan ka wada hortaagnaa” ayuu yiri Xildhibaan Cabdimaalik Cabdala.

Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Buraale oo ka mid ah Xildhibaanada laga soo doorto gobolka Hiiraan ayaa dhankiisa ku tilmaamay weerarkii Ceel baraf mid gumaad ahaa.

“Allaha u naxariisto askarta shuhadada ah ee sida arxan darada ah loogu gumaaday Ceel baraf, taliska xoogga Dalka waxaa laga rabaa jawaab deg deg ah in ay soo qabtaan gacan ku dhiiglayaasha arxanka daran ee falkaas geystay si looga badbaado dhiig kale oo daata” ayuu yiri Xildhibaan Buraale.

Xildhibaan Buraale ayaa sidoo kale maamulka Hirshabeelle ku eedeeyay inuu qeyb ka yahay colaadaha kusoo laablaabtay deegaanada maamulkaas.

“Waxaan aad uga xumahay kuwa sheegta maamul ku sheega Hirshabelle ee qeybta ka ah colaadaha iyo isku dirka dadka walaalaha ah hadane dhahaayo nabadeyn ayaan wadnaa in bulshada ay ka fogaadaan dhagartooda, inta ay bulshadaas hor fadhiyaan waxaas iyo wax kadaran ayaa ka imaan doono” ayuu yiri  Xildhibaan Buraale.

Xildhibaan Maxamed Cabdulqaadir Maxamed ayaa ugu baaqay Taliska Xoogga Dalka in ay tallaabo deg-deg ah ka qaadaan gacan ku dhiiglayaasha si loo xaqiijiyo caddaalada, loogana hortago in aan la baneysan dhiigga askarta u taagan la dagaalanka Alshabaab.

Hadaladaan kasoo yeeray Xildhibaanadaan kasoo jeeda beesha Xawaadle ayaa kusoo aadaya, iyadoo Shalay galab deegaanka Ceel baraf lagu dilay ilaa 6 askari oo ka tirsana Militariga Soomaaliya oo aano qabiil loogu dilay iyagoo kusii jeeday gobolka Hiiraan.

  • Mowlaawi

    Founder of Kaarabiin News Network

    Related Posts

    Madaxweyne Xasan Sheikh oo Ka Qeyb Galay Madasha Diblomaasiyadda Antalya

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah uga qeyb galay furitaanka Madasha Diblomaasiyadda Antalya ee ka dhacaysa dalka Turkiga, isagoo matalaya Dowladda Federaalka Soomaaliya.…

    Raysal wasaare Xamsa oo gaaray Laascaanood

    Raysal wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow ka degay magaalada Laascaanood. Wafdi kasii horreeyay raysal wasaaraha iyo madaxda maamulka Khaatumo ayaa raysal…

    Faalooyin

    The Art of Mindful Eating

    The Art of Mindful Eating

    Mind-Body Connection for Meditation

    Mind-Body Connection for Meditation

    Space tourism soars into the forefront of exploration

    Space tourism soars into the forefront of exploration

    AI in Healthcare: Game-Changer or Ethical Dilemma?

    AI in Healthcare: Game-Changer or Ethical Dilemma?

    Sleep Study Unveils New Insights

    Sleep Study Unveils New Insights