Odayaasha dhaqanka degmada Maxaas oo si kulul uga hadlay weerarkii Ceel baraf, fariina u diray dowladda

Odayaal iyo wax garad ka tirsan beelweynta Xawaadle oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa si kulul uga hadlay askartii sida aragagaxa aheyd loogu dilay Shalay nawaaxiga deegaanka Ceel baraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Odayaasha ayaa ugu horeyn falkaas ka dhacay Ceel baraf ku tilmaamay mid aad u fool xun, waxayna dowladda Fedaraalka ugu baaqeen iney deg deg arintaasi wax uga qabto.

“Dadka la dilay maheyn shacab ee waxay aheyn ciidan qaran oo difaaca dalka u taagna, mar maahan laba maahan ee afar jeer ayay mari haysa tirada ciidan qaran wadada loogu galayo ee sida arxan darada loo dilayo dowladda hadii aysan 24 saac jawaab cad ka bixin wayso sidan yeeleyno diba ka sheegi doona” ayuu yiri mid ka mid wax garadkii kulanka ka hadlay.

Odayaasha iyo waxgaradka Xawaadle ee maanta ku shiray degmada Maxaas ayaa sidoo kale ku baaqay inaan wax jawaab celin ah la sameyn ilaa amar dambe.

“Mudo afar jeer ah ayaa halkaas degmo lagu beegsan haaya ciidanka Qaranka oo aan wax hub ah wadan oo fasax ku jira, dadka sidaas sameynaya waa kuwii ay cadawga ka difaacayeen dowladdu waa ogtahay anagana qabiil ahaan waan ognahay, waxaana isku waafaqnay inaan wax talaab ah aanannla qaadin mudo 24 saac ah oo dowladdu aan ka sugeyno talaabada ay qaado” ayuu yiri mid ka mid ahaa Nabadoonadii kulanka ka hadlay.

Shirkaan deg dega ah ayaa kusoo aadaya, iyadoo Shalay galab askar u dhalatay beesha Xawaadle oo tiro ahaan gaarayay ilaa 6 ruux arimo la xariira aano qabiil loogu dilay nawaaxiga Ceel baraf, waxaana dhacdaasi aad uga xumaaday guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

  • Mowlaawi

    Founder of Kaarabiin News Network

    Related Posts

    Madaxweyne Xasan Sheikh oo Ka Qeyb Galay Madasha Diblomaasiyadda Antalya

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah uga qeyb galay furitaanka Madasha Diblomaasiyadda Antalya ee ka dhacaysa dalka Turkiga, isagoo matalaya Dowladda Federaalka Soomaaliya.…

    Raysal wasaare Xamsa oo gaaray Laascaanood

    Raysal wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow ka degay magaalada Laascaanood. Wafdi kasii horreeyay raysal wasaaraha iyo madaxda maamulka Khaatumo ayaa raysal…

    Faalooyin

    The Art of Mindful Eating

    The Art of Mindful Eating

    Mind-Body Connection for Meditation

    Mind-Body Connection for Meditation

    Space tourism soars into the forefront of exploration

    Space tourism soars into the forefront of exploration

    AI in Healthcare: Game-Changer or Ethical Dilemma?

    AI in Healthcare: Game-Changer or Ethical Dilemma?

    Sleep Study Unveils New Insights

    Sleep Study Unveils New Insights