
Ugu yaraan 110 qof ayaa ku dhintay duqeymo ay Israa’iil ka geysatay marinka Gaza tan iyo waaberigii maanta, sida uu warinayo telefishinka Al Jazeera.

Dhanka kale, Afhayeenka milatariga Xamaas, Abu Cubayda, ayaa ugu baaqay Muslimiinta inay taageeraan dagaalka lagu difaacayo Gaza iyo masjidka barakaysan ee Al Aqsa. Wuxuu si gaar ah u ammaanay kooxda Xuutiyiinta Yemen, isagoo uga mahadceliyay taageeradooda tooska ah.
#Gaza #Palestine #AlAqsa #War